Sida layskaga qoro Boston Public Schools (BPS)
- Si aad ugu soo dejisato macluumaadkaan oo ku qoran afkaaga hooyo, isticmaal baraawsarkaaga si aad ugu daabacdo boggan.
- Booqo Xogteena Buuxda ee Qalabka Diiwaangelinta Dugsiga e Qoysaska.
Riix halkaan si aad iskaga diiwaangeliso fasalada BPS fasalada K0, K1, K2, 6, 7, iyo 9.
Furashada Diiwangelinta Muhiimadda: Arbacada, Janaayo 4, 2023
Xiliga Kama Dambeysta ah ee Diiwaangelinta Muhiimadda: Jimcaha, 3Febraayo, 2023
Riix halkaan si aad isaga diiwaan geliso dhammaan fasallada kale ee BPS.
Is diiwaangalinta Muhiimka ah ee dhammaan fasalada kale waxay bilaabanaysaa: Isniinta, Febraayo 8, 2023
Taariikhda Kama danbaysta ah ee Is diiwaangalinta dhammaan fasalada kale: Jimcada, Abriil 7, 2023
Waa maxay degmada Boston Public Schools (Dugsiyada Dadweynaha Boston (BPS)?
Boston Public Schools — oo sidoo kale loogu yeero inta badan BPS — waa dugsiyo degmo oo bilaash ah oo hoos tagta magaalada Boston. Kudhawaad 73 boqolkiiba carruurta reer Boston ee da'da dugsiga gaaray waxay dhigtaan dugsiga BPS. Waxaa jiro in kabadan 113 dugsiyada BPS ah oo kuyaala Boston. Dugsiyada BPS waxaa dhigto ardayda kujira fasalada K0 ilaa K2 (da'aha 3 ila 5 sano jir) ilaa fasalka 12aad iyo wixii kasii danbeeya.
Liiska Dugsiyada Dadweynaha ee kuyaala Boston
-
Dhagsii halkaan si aad u aragto Boggaga dhammaan Dugsiga katirsan BPS adoo adeegsanaaya aalada School Finder.
Jadwalka Diiwaangelinta BPS iyo Liiska Hubinta
Diiwaangelinta Dugsiyada BPS waxay bilaabataa xili horeba. Xilliga diiwaangelinta mudnaanta la siiyaa waa Janaayo illaa Maarso isla sanadka uu cunuggaagu gali doono dugsiga. Tusaale ahaan, haddii ilmahaagu gali doono fasalka K2 bisha Sibteembar 2023, waa inaad ilmahaaga ka diiwaangelisaa dugsiga bisha Janaayo 2023.
Barnaamijka Boston School Finder wuxuu si xoog leh u dhiirrigelinayaa isdiiwaangelinta muddada diiwaangelinta mudnaanta koowaad lasiiyo ee fasalka ilmahaagu gali doono, sababta oo ah tani waxay ku siineysaa fursadda ugu wanaagsan ee aad kursi aad uga heli karto dugsiga aad rabto.
Haddii aad ka fakarayso inaad ka diiwaangeliso canuggaaga dugsi BPS kamid ah, Halkaan waxaa ku jira tallaabooyinka lagu codsado Boston Public Schools sannad-dugsiyeedka 2023-2024 iyo goorta aad u baahan tahay inaad dhammayso tallaabooyinkan.
Nofeembar 2022
-
Fahmida sida ay BPS ardayda ugu qoondayso dugsiyadeeda. Ilmahaagu dammaanad uma haysto helitaanka dugsiga“xaafadda" kuyaala. BPS waxay adeegsadaan Xeerka Ku-saleysan Guriga (HBAP) kaasoo adeegsada sababaha masaafada dugsiga, tayada dugsiga, doorashada carruurta walaalaha ah markay dajinayaan dookhyada dugsiyada uu heli karo cunugaaga.
-
Kala soo bax liiskaaga dookhyada dugsiyada BPS ee la heli karo adoo booqanaaya DiscoverBPS.org.
-
Ka baro xog dheeraad ah oo ku saabsan dugsi kasta oo kujira liiskaaga adoo adeegsanaaya aaladeena Boston School Finder si aad u eegto bogagga Profile-ka dugsiga ee faahfaahsan ee dugsi walba oo liiskaaga ku jira.
-
Booqo dugsiyada inta lagu jiro Maalmahooda Dulmarka Dugsiyada BP ee bilooyinka Nufeembar, Diseembar, iyo Janaayo.
Diseembar 2022
-
Xilli hore iskaqor hanaanka diwaangalinta oonleenka ah ee dugsiyada kuyaala Boston. Tani waxay fududeyn doontaa diiwaangelinta markaad tagto balantaada Xarunta Soo dhawaynta haddii aad isqorsitaan waqtiga balanta kahor samayso.
-
Balan qabso Si aad u dhammaystirto caddaynta deegaankaaga adiga oo shakhsi ahaan u imaanaya Xarunta Soo dhaweynta BPS AMA adigoo ka gog teleefoonka ka buuxinaya sidaa darteed uma baahnid in aad sugto wakhtiga diiwaangalinta weyn socoto.
-
Bookho Xarunta Soo si aad u dhammaystirto caddayntaada deegaanka, AMA
-
Dhammaystir caddaynta deegaankaaga adiga oo isticmaalaya teleefoonka lana jooga khabiir dhanka isdiiwaangalinta BPS ah.
-
-
BPS waxay qoysaska uga baahan yihiin inay keenaan caddeyn aqoonsi*, degenaanshaha Boston*, iyo diiwaannada talaalka si carruurtooda looga diiwaangeliyo dugsiga. Waalidiintu/masuu'liyiinta waa inay keenaan MID KASTA oo kamid ah dukumintiyada soo socda markay imaanayaan balanta Xarunta Soo dhawaynta ee BPS:
- Aqoonsi sawir leh ahna waalidka/mas'uulka
- Shahaadada dhalashada ee ilmahaaga (ama, haddii loo baahdo, baasaaboor ama I-94)
- Diiwaanka tallaalka waqtiga saxda ah la siiyay ee cunugaaga liiska talaallada qasabka ka ah gobalka si aad uga qorto dugsi.)
- Labo (2) cadaymaha daganaanshaha Boston ah
- Haddii loo baahdo hoy caafimaad ama cunuggaagu yahay naafo, waa inaad keentaa dukumiintiyo.
*Boston Public Schools waxay ku faraxsan yihiin inay siiyaan dhammaan ardayda waxbarasho iyadoon laga eegayn aqoonsiga soo galootiga, Boston waxaa ku nool in kabadan 3,000 arday oo hooy la'aan ah sharciga ayaana qasab uga dhigaaya inay dugsi gayso gaadiid qaadana u fidiso ardayda noocaas ah ayadoon laga eegin meesha ay si ku meel gaar ah u dagan yihiin. Liiska dookhaaga dugsiyada BPS laguma salaynaayo meesha aad dagan tahay. Xeerarka dukumiintiyada qaarkood ayaa lagaa dhaafayaa. Kawac BPS nambarka 617-635-9000 si aad u ogaato qaabka aad iskaga qorayso aadna u diiwanagalinayso cunugaaga haddii aan adigga ama cunugaagu haysan guri uu rasmi u dagan yahay iyo/ama aad iinaan haysan sharci.
Janaayo 2023
-
Diiwaangelinta mudnaanta leh ee ardayda soo gelaysa fasalada K0, K1, K2, 6, 7, iyo 9 wuxuu bilaabmayaa Janaayo 4, 2023 wuxuuna xirmayaa Febraayo 3, 2023.
-
Waxaa jira laba qaab oo aad ardaygaaga uga diiwaangalin karto Dugsiyada Dowliga ah ee Boston sanad dugsiyeedka 2023-2024 :
-
Waji-ka-waji ayada oo la tagayo Xarunta Soo dhaweynta: ayada oo balan laga qabsanayo Dorchester, East Boston, ama Xarunta Soo dhaweynta ee Roslindale. Si aad balan u qabsato, halkaan ama wac (617) 635-9046.
-
Adiga oo ka fog teleefoonka adeegso: Qabso balan si aad ardaygaaga ugu diiwaangaliso teleefoonka adiga oo gacan ka helaya khabiir dhanka diiwaangalinta BPS ah. Si aad balan u qabsato, halkaan riix ama wac (617) 635-9046.
-
Feebaraayo 2023
-
Diiwaangelinta mudnaanta leh ee ardayda soo gelaysa dhammaan fasalada kale wuxuu bilaabmayaa Febaraayo 7, 2023 wuxuuna xirmayaa Abriil 7, 2023.
-
Waxaa jira laba qaab oo aad ardaygaaga uga diiwaangalin karto Dugsiyada Dowliga ah ee Boston sanad dugsiyeedka 2023-2024 :
-
Waji-ka-waji ayada oo la tagayo Xarunta Soo dhaweynta: ayada oo balan laga qabsanayo Dorchester, East Boston, ama Xarunta Soo dhaweynta ee Roslindale. Si aad balan u qabsato, halkaan ama wac (617) 635-9046.
-
Adiga oo ka fog teleefoonka adeegso: Qabso balan si aad ardaygaaga ugu diiwaangaliso teleefoonka adiga oo gacan ka helaya khabiir dhanka diiwaangalinta BPS ah. Si aad balan u qabsato, halkaan riix ama wac (617) 635-9046.
-
Maarso—Maayo 2023
-
Ogeysiisyada shaqo u dejinta dugsiga ee ardayda galaysa fasalada BPS K0, K1, K2, 6 ama 9 Sebtember ayaa loo soo diri doonaa email ugu danbeyn Maarso 31.
-
Ogeysiisyada xilka u qaadista dugsiga ee fasalka 7 fasalka iyo dhamaan fasalada kale waxaa loo diri doonaa email ugu danbeyn Meey 31.
-
Dhamaan ogaysiisyada BPS ee dugsiga sidoo kale waxaa lagusoo diri doonaa maylka boostada ayadoo lagusoo hagaajinayo ciwaanka guriga ku diiwaangashan. Hadii aad isdiiwaangalisay inta lagu gudajiro isdiiwaangalintaada mudnaanta leh ee windhowska laakiin aadan helin hawshaada BPS taariikhaha kore, fadlan wac telefanka isdiiwaangalinta BPS adigoo adeegsanaya 617-635-9046.
-
Xusuusin: haddii aad guurtay kadib isdiiwaangelintaada, badelka ciwaankaaga ayaa saameyn ku yeelan kara dugsigaaga iyo dookhyada gaadiidkaaga. Fadlan booqo websaydhka BPS si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan badalka cinwaanka.
Noocyada Dugsiyada iyo Barnaamijyada BPS
Iyada oo ay jiraan in kabadan 20 qaab oo fasalada ah, waxaa jira noocyo badan oo dugsiyo kala duwan ah kuwaas oo u adeega baahiyaha kala duwan ee ardayda dhigata in kabadan 113 dugsi oo dadwayne oo kuyaala Boston. Hoos waxaa kuqoran macluumaadka qaar kamid ah noocyada kala duwan e dugsiyada iyo barnaamijyada ay bixiyaan BPS.
Ardayda Dugsiyada Hoose iyo Dhexe
Heerarka Fasalada K0 & K1
BPS waxay bixisaa kuraasta dugsiga oo tiro yar, lakiin sii badanaaya oo loogu tala galay ardayda da'aha 3 iyo 4, ayadoo la raacaayo qaacidada hoose:
Haddii cunugaagu gaari doono da'da _____ bisha Sibteembar 1 ee sanadka la filaayay inuu bilaabo dugsiga, wuxuu xaq uleeyahay inuu galo fasalka ____.
-
Da'da 3 = Fasalka K0
-
Da'da 4 = Fasalka K1
-
Da'da 5 = Fasalka K2
Fasalka Shaqada Horukacsan (AWC) iyo Hormarinta Dhammaan (EFA)
Fasalka Shaqada Horukacsan (AWC) iyo Sare u qaadista Dhammaan (EFA) waa labo dookh oo barnaamijku leeyahay oo laga heli karo dugsiyada xulashooyinka BPS ee loogu talagalay ardayda fasalada 4-6.
- Advanced Work Class (AWC, Fasalka Shaqada ee Hormarsan) waa barnaamij waqti-buuxa la baxsho laguna dhigo Boston Public Schools kaasoo siiya waxbarasha manhajka oo boobsiis ah ardayda fasalada 4-6. Sanad dugsiyeedka 2022-2023, AWC ma aqbalayso arday cusub oo soo galaysa barnaamijka. Fasalka 5 ardayda hadda iska qortay AWC waxay fursad u heli doonaan in ay sii wataan barnaamijka ilaa fasalka 6 ee Sanad Dugsiyeedka 2022-2023. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah, fadlan bookho websa BPS.
- Hormarinta Dhamaan All (EFA) waa hindise loogu talagalay in lagu hubiyo in dhammaan ardayda fasalada 4- 6 ay helaan khibrad waxbarasho oo tayo sare leh, oo dhab ah taasoo u diyaarinaysa dugsi sare, kuleej, iyo xirfad shaqo. EFA waa barnaamij dugsiga oo dhan quseeya. Dhammaan ardayda dhigata fasalada 4-6 ee dugsi bixiya barnaamijka EFA ayaa ka qeyb qaata barnaamijka. Ma jirto shuruud dhanka aqbalaadda ah oo ku salaysan Ku wanaagsanaanta Dhammaan. Halkaan riix si aad wax badan uga ogaato ka qaybqaadashada dugsiyada EFA ee BPS.
Barnaamijka Pathways ee Dugsiga Dhexe
Ardayda dhigata barnaamijyada waxbarashada guud, dugsi kasta oo hoose oo katirsan BPS waxa uu ku xiran yahay dugsi dhexe ama dugsi K-8. Dugsiga noocaan ah waxaa loo yaqaan dugsi “pathway” ah. Ardayda dhigata fasalka 5 kuwaas oo dhigta dugsiyada ku xiran dugsiga Pathway waxay waraaq ka heli doonaan iimaylka Janaayo dhexdeeda taasoo qoraysa dugsigooda Pathway ee sanad dugsiyeedka soo socda ee (fasalka 6)
Qoysaska waxaa lagu soo dhaweynayaa inay aqbalaan oo ay ka diiwaangeliyaan ilmahooda dugsiga Pathway ga ah ee loo qoondeeyay. Qoysasku sidoo kale way diidi karaan oo waxay dooran karaan dugsi kale oo buuxiya baahiyahooda. Haddii aad rabto in ilmahaagu dhigto dugsi ka duwan dugsiga Pathway ga ee laga qoray, qoysasku waa inay aadaan Xarunta Soodhawaynta oo ay kaqaybqaataan nidaamka diiwaangelinta si ay u xushaan dugsi cusub oo BPS ka tirsan. Qoysasku sidoo kale way diidi karaan oo waxay dooran karaan dugsi kale oo buuxiya baahiyahooda. Haddii aad rabto in ilmahaagu dhigto dugsi ka duwan dugsiga Pathway ga ee laga qoray, qoysasku waa inay la xariiraan Xarunta Soodhawaynta oo ay kaqaybqaataan nidaamka diiwaangelinta si ay u xushaan dugsi cusub oo BPS ka tirsan.
-
Eeg Tilmaamaha Macluumaadkeena Dugs Pathway si aad u hesho liiska iyo khariiradda dugsiyada BPS pathway.
Ardayda Dugsiga Sare
Dugsiyada Imtixaanaadka
Boston waxay leedahay saddex "Dugsiyada Imtixaanka" ah oo loogu talagalay ardayda fasalada 7–12. Galitaanka imtixaanaadka dugsiyadaan waxaa go'aaminaya dhibcaha ardayga iyo heerka ka gudbiddooda qiimaynta degmadu cayinto. Baro wax badan oo ku saabsan Dugsiyada Imtixaanka Boston hagaha agabka Dugsiga Imtixaanka.
Dugsiyada Sare ee u Baahan Ogolaanshaha Gaarka ah ama Shuruudaha Codsiga Dheeraadka ah
Waxaa jiro 33 dookh oo lagu heli karo dugsiyada BPS. Lix ka mid ah dookhyadaan dugsiga sare waxay leeyihiin shuruudo dheeri ah marka ay ardayda qaadanayaan. Shuruudahaan dheeriga ah waxaa ka mid noqon kara codsi gaar ah, oo dheeri ah oo la xiriira agabyada kale sida qoraalka, talooyinka macallinka, ama samaynta qiimayn.
Si lagaaga qoro mid kamid ah dugsiyadaan hanaanka qaadashada gaarka ah loo maro, dugsiyadaan waa inaad dugsiyadaan u liis garaysaa siday kuugu kala muhiimsan yihiin ardayduna waa inay buuxshaan nooc kasta oo shuruudo dheeri ah oo dhanka codsiga oo dugsi kasta dalbado. Qorista gaarka ah iyo shuruudaha dheeriga ah ee codsiga ayaa kala duwan dugsi kasta, fadlan booqo bogga dugsiga ee dugsi kasta oo hoos kuqoran:
DHAMMAAN Fasalada
Dugsiyada Hal-abuurka ah
Dugsi Hal babuur ayaa kordhiyey madax-bannaanida iyo dabacsanaanta ee manhajka, miisaaniyadda, jadwalka iyo kalandarka, shaqaalaha, horumarinta xirfadeed, iyo siyaasadaha degmada. Dugsiyada Hal abuurku waxay fursad u yihiin gudiga dugsiyada maxaliga – ayadoo iskaashi lala samaynaayo maamulayaasha guud, midawyada macalimiinta, waalidiinta, iskashatada kabaxsan guriga iyo dhinacyada kale – si loo dajiyo axdiga gudaha ee dugsiyadooda.
Boston waxay leedahay shan Dugsiyada Hal abuurka ah:
Dugsiyada Dawlada
Dugsiyada tijaabada ah waxay leeyihiin dabacsanaan xagga shaqaalaynta, miisaaniyadda, iyo manhajka ah. Dugsiyada tijaabada ah waxay leeyihiin jaangooyinka naqshada fasalka oo kala duwan ee dhammaan fasalada dugsiga hoose, dhexe, iyo sare.
Boston waxay leedahay 20 dugsi oo tijaabo ah:
Horace Mann Charter Schools
Waxaa jira lix dugsi oo charter Horace Mann ah oo ku yaal Boston kuwaas oo ah dugsiyada BPS oo lacag la'aan lagu dhigto. Dugsiyada charter-ka ah ee Horace Mann waxaa sidoo kale loogu yeeraa dugsiyada charter-ka ee “dagmada-kudhex yaala”.
Ogeysiis muhiim ah: Dugsiyada charter Horace Mann way ka duwan yihiin dugsiyada loo yaqaan Commonwealth charter, kuwaas oo aan qayb ka AHAYN degmada BPS.
Dugsiyada charter-ka ah ee Horace Mann waxay leeyihiin nidaamyo kala duwan oo qaababka fasalka ah laga bilaabo dugsiga hoose, dhexe, iyo fasalada dugsiga sare. Qorashada ardayda ee dugsiyada charter Horace Mann waa bakhtiyaa nasiib furan. Mid kasta oo ka mid ah lixda dugsi ee Horace Mann wuxuu leeyahay hanaan isqoritaan iyo bakhtiya-nasiib u gaar ah dugsiga.
Si aad u eegto macluumaadka gaarka ah ee lixda iskuul Horace Mann, fadlan booqo bogga Dugsigu kuleeyahay Boston School Finder ama barta websaydhka dugsiga:
-
Edward M. Kennedy Academy for Health Careers (Akaadeemiga Xirfadaha Caafimaadka Edward M. Kennedy) (9-10 Xarunta , 11-12 Xarunta)
Turnaround Schools
Turnaround schools waxaa loo yaqaanaa saddex kooxood oo dugsiyo ah loo aqoonsado “kuwo buundadooda hosayso,” “Aad Uliita,” iyo kuwo “Diirada lasaaraayo/Taageero Toos ah u baahan” ayadoo la adeegsanaayp hanaanka isla xisaabtanka gobalka.
Ogsoonow: Waaxda Waxbarashada Dugsiyada hoose iyo kuwa Sare ee Massachusetts ma soo saarto go'aanada ku saabsan la xisaabtanka dugsiga, degmada, ama gobolka inta lagu jiro 2020 ama 2021.
- Dugsiyada heerkoodu liito waa dugsiyada aadka uliita ee ku yaalla gobalka Massachusetts, ayadoo laga eegaayo qiimayn afar sano ah oo lagu sameeyay hormarka guud, kobac ardayga, iyo dhinacyada kobaca aqoonta. Dugsiyada loo qoondeeyay inay yihiin kuwa liita ayaa, sharci ahaan, looga baahan yahay inay maraan hannaan "la weeciyay" oo loogu talagalay horumarin dhakhso leh oo waarta in lagu sameeyo sadex sanad dugsiyeed.
- Dugsiyada loo qoondeeyay inay ubaahan yihiin Taageero Diirad lagu saaro Toos loo siiyo ee nidaamka isla xisaabtanka Massachusetts ayaa ah kuwa aan horey loogu aqoonsan "kuwo liita" ama " ama aadka u liita" kuwaasoo kujira heerka ugu hooseeya ee boqoleeyda 10aad ee tayada dugsiyada dhammaan gobalka, dugsiyada kujira kooxaha dadaalkoodu liito, dugsiyada sare ee leh heerka qalin jabinta ee kahooseeya 67%, iyo dugsiyada leh heerka ardayda dhigata o liita.
- Sida ku cad xeelada caawimaada Waaxda, dhammaan dugsiyada loo aqoonsaday kuwo Diirada Lsaaraayo/Taageero Toos ah waa inay yeeshaan ayna fuliyaan qorshaha la qabsashada.
Maqabtaa Su'aal?
Khubaradeena ayaa kusiinaaya macluumaadka saxda ah ee aad kuhelayso dugsiga ugu fiican