Sida loo gaaro Go'aankaaga Kama Danbaysta ah ee Dugsiga
- Soo dagso Xaashideena La socoshada Ogaysiiska Go'aanka Dugsiga (Ingiriis).
- Soo dagso Liiskeena Booqashada Dugsiga (Ingiriis).
- Si aad ugu soo dejisato macluumaadkaan oo ku qoran afkaaga hooyo, isticmaal baraawsarkaaga si aad ugu daabacdo boggan.
- Booqo Xogteena Buuxda ee Qalabka Diiwaangelinta Dugsiga e Qoysaska
Xili hore ee bisha Maarso sanad kasta, waxaad bilaabi kartaa inaad hesho ogaysiisyada kasoo baxa dugsiyada aad iska qortay ama ka codsatay inay ku diiwaan galiyaan ama natiijooyinka codsiga. Tusmadeena Go'aan Gaarista Dugsiga ayaa kusii naysa waxa ay tahay inaad ka firsato markaad go'aansanayso dookhaaga kama danbaysta ah, ee ku haboon cunugaaga.
Kahor Inta aadan Samayn Go'aankaaga Dugsiga ee Kama danbaysta ah:
-
Xasuusnoow: ma jiro jadwal isdiiwaangalinta dugsiga ah oo kaligiis ah oo ka jira Boston dugsi kastana waxa uu leeyahay jadwalkiisa ogeysiis bixinta ee u gaarka ah iyo hanaan u gaar ah, taasoo macnaheedu yahay inaad xog ka heli karto dugsiyo kala duwan xiliyo kaladuwan.
-
Ayadoo ay jirto inaad xog ka heli karto boosaska banaan ama heerka uu maraayo liiska sugitaanka ee xiliyada kaladuwan ah, aalada Boston School Finder waxay ku talinaysaa in qoysasku ay furaan dookhyadooda ilaa aad diyaar uga noqoto qaadashada go'aankaaga.
-
Waxaa laguu ogolyahay inaad codsato waqti kordhin haddii aad u baahan tahay waqti dheeraad ah si aad go'aan u gaarto. Si toos ah ula xariir dugsigaaga si aad u aragto inay ku siinayaan waqti dheeraad ah ood u baahan tahay.
Xiliga Aad filan Karto Jawaab aad Ka hesho Dugsiyada
Boston Public Schools (BPS)
-
Marka lagaaro Maarso 31, 2023:
-
BPS waxay qoysaska iimeel ku ogaysiin doontaa shaqooyinka dugsiga BPS ee loogu talagalay ardayda galaysa fasalada K0, K1, K2, 6 ama 9 marka la gaaro Sebteembar kuwaas oo is diiwaan galiyay intii lagu jiray diiwaanka mudnaanta koowaad laga bilaabo Janaayo 4 - Feb. 3, 2023.
-
Haddii aad codsatay codsiga khaaska ah ee dugsiga sare, waxaa laga yaabaa in aad si gaar ah ogaysiis toos ah oga hesho dugsiyadaas .
-
-
Dhamaadka Abriil 2023:
-
Martiqaadyada dugsiga imtixaanka ee codsadeyaasha Fasallada 7 iyo 9 ayaa lasoo diri doonaa.
-
BPS waxay kula talinaysaa qoysaska RSVP go'aankooda dugsiga ee kama danbaysta ah ee onleenka ah.
-
-
Marka la gaaro Maayo 31, 2023:
-
BPS waxay qoysaska iimeel ugu wargalin doontaa shaqooyinka dugsiyada ee BPS ee ardayda fasalka 7 fasalka iyo dhammaan ardayda isdiiwaangaliyay muddadii labaad ee diiwaangelinta laga bilaabo Feb 8 - Abriil 7.
-
Dugsiyada Dadwaynaha ee Commonwealth Charter
-
Wixii ka Danbeeyay Maarso 8, 2022:
-
Dugsiyada dadwaynaha ee charget ee gaarka ah ayaa mid kasta samayn doonaa qori tuurkiisa bisha Maarso 8, 2023.
-
Dugsi kasta oo dadwayne oo Charter ah waxa uu dooranayaa siduu qoysaska u gaarsiinaayo natiijooyinka qori tuurka. Dugsiyady waxay diri doonaan iimeel iyo qoraal ayadoo lagu salaynaayo dookha aad doorato markaad buuxinaysay Codsiga Bakhtiyaa Nasiibka Dugsiyada Dadwayanaha Boston ee Charter ka ah oonleen ahaan ayadoo adeegsanaysa SchoolMint. Qoysasku wa ainay galaan SchoolMint si ay u helaan natiijooyinkooda bakhtiyaa nasiibka.
-
METCO
-
Kadib marka Muddo kasta oo Bakhtiya-nasiibka kamid ah dhammaato (waqtiga kama danbaysta ah: Diseembar 31, 2023):
-
METCO waxay soo jeedino u gudbinaysaa Degmooyinka Iskaashiga la leh hadda laga bilaabo illaa Oktoobar 1, 2022. Degmooyinku waxay diiwaangalinayaan ardayda wakhti kasta inta u dhexaysa Janaayo iyo Oktoobar 1 kahor inta aan dugsigu bilaaban.
-
U gudbinta degmooyinku ma ahan mid la damaanad qaaday in canuggaaga la diiwaan galinaayo. Waxaan ku talinaynaa in qoysasku mar kasta lahaadaan qorshayaasha diiwaan galinta dugsiga oo dheeraad ah marka lagu barto kan barnaamijka METCO. Qoysasku waa inay raacaan qorshayaasha kale ee dugsiga illaa loo xaqiijiyo diiwaan galinta degmada katirsan METCO.
-
Dugsiyada Gaarka loo leeyahay (Kuwa Diimaha iyo Kuwa Madaxa Banaan)
-
Meeleynta dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo ogeysiisyada ayaa xilliyo kala duwan dhaca ayadoo ku xiran dugsiga. Fadlan si toos ula xariir dugsiga si aad u xaqiijiso taariikhaha ay soo dirayso ogaysiiskeeda go'aanka codsiga.
Waxa ay tahay inaad sameeyso Markaad Ogaysiisyo ka hesho Dugsiyada
1. Hal meel iskugu geey ogaysiisyadaada dugsiga.
-
Adeegso Xaashideena shaqada ee La socoshada Ogaysiiska Go'aanka Dugsiga si aad ula socoto xiliyada kama danbeysta ah ee go'aanada muhiimka ah.
-
Haddii aad u baahan tahay waqti dheraad ah si aad go'aan ugaarto, waxaan ku talinaynaa inaad la xariirto dugsiga si toos ah aadna waydiisato waqti kordhin markaad u baahato.
2. Booqo dugsi kasta oo aad danaynayso.
-
Haddii aan dugsigu lahayn taariikho rasmi ah oo lasoo booqdo ama kullano furan, waad wici kartaa waxaadna ka codsan kartaa inaad soo booqato. Fadlan ogsoonow in shuruucda caafimaadka bulshada ee COVID ay saamayn ku yeelan karaan awoodda dugsiga ee ku bixin karo bookhashooyinka fool ka fool ka ah. Fadlan la xiriir dugsi kasta si toos ah si aad u ogaato sida aad kusoo bookhan karto ama aad u ogaanayso wax badan oo ku saabsan goobaha.
-
Liiskeena Booqashada dugsiga ayaa kaa caawin kara u diyaar garoowga inta badan booqashadaada kaana caawinaaya aruurinta go'aankaaga.
3. Aqbal booska AMA ku jir liiska sugitaanka ee dugsi kasta oo aad wali ka baarana dagayso.
-
Waa suurtagal inaad aqbasho boosas badan oo dugsiyo badan ka kala yimid ilaa intaad go'aanka kama danbaysta ah gaarayso.
-
Xataa haddii aad aqbashay boos lagaa siiyay hal dugsi, waa suurtagal inaad kusii jirto liisaska sugitaanka ee dugsiyada kale, laakiin nooc kasta oo dugsi ah wuxuu leeyahay habraacyada kala duwan ee sugitaanka:
-
BPS: Qoysaska waxaa lagu dhiiri galinayaa RSVP go'aan kooda kama danbaysta ah ee dugsiga ee onleenka ah. Dib u eeg siyaasadaha liiska sugitaanka BPS ee webseedkooda kujira.
-
Dugsiyada Dadwaynaha ee Charter ka ah iyo Kuwa Gaarka Loo leeyahay: Waxaad aqbali kartaa boos aad ka heshay dugsi kasta/dhammaan dugsiyada oo aad codsatay waxaadna kusii jiri kartaa ee qaybahaas kamid ah. Haddii dugsigaaga gaarka loo leeyahay uu lacag qaado, waxaad u baahan kartaa inaad dhigto lacag horu maris ah si aad booska u xagsato.
-
4. Markaad gaarto go'aankaaga ugu danbeeya ee dugsiga, fadlan u sheeg dhammaan dugsiyada kale.
Maqabtaa Su'aal?
Khubaradeena ayaa kusiinaaya macluumaadka saxda ah ee aad kuhelayso dugsiga ugu fiican