Qaabka iyo Goorta aad iska Qorayso Dugsi
- Si aad ugu soo dejisato macluumaadkaan oo ku qoran afkaaga hooyo, isticmaal baraawsarkaaga si aad ugu daabacdo boggan.
- Booqo Xogteena Buuxda ee Qalabka Diiwaangelinta Dugsiga e Qoysaska
Ma jiro hal isdiiwaan gelin ama nidaamka codsi oo ka dhexeeya dhammaan 200+ dugsi ee kuyaala Boston. Waa kuwaan tillaabooyinka lagu codsan karo dhammaan noocyada dugsiyada kuyaala Boston iyo goorta aad u baahan tahay inaad dhammaystirto tallaabooyinkan sannad dugsiyeedka 2022-2023.
Laga bilaabo Noofembar 2022 - Janaayo 2023, sahamin fursadahaaga.
-
Dib u eegis ku samee noocyada dugsiyada kuyaala Boston (iyo meelaha ka shisheeya) ee ay heli karaan qoyskaagu.
-
Abuur liiska dugsiyada aad iska diiwaangelin doonto ama aad codsan doontid. Waxaan kugula talineynaa inaad tixgeliso nooc kasta oo dugsi ah, maadaama aadan dammaanad u heli karin meelayn lagaa siiyo dugsi gaar ah.
-
Ka baro xog dheeraad ah oo ku saabsan dugsi kasta oo kujira liiskaaga adoo adeegsanaya aaladeena Boston School Finder si aad u eegto boggaga Profile-ka dugsiga ee faahfaahsan ee dugsi walba oo liiskaaga ku jira AMA
-
Kala soo bax liiskaaga dookhyada dugsiyada BPS ee la heli karo adoo booqanaaya DiscoverBPS.org.
-
Ka ogoow xulashooyinkaaga Dugsiga Dowliga ah ee Boston Charter halkaan www.applybostoncharters.com.
-
Ka fiiri dookhyada dugsiyada diinta ee gaara loo leeyahay webseetka Xafiiska Dugsiyada Kaatooliga ah.
-
Ka fiiri dookhyada dugsiyada gaarka loo leeyahay webseetka Ururka Dugsiyada Madaxa Banaan ee kuyaala New England (AISNE).
-
Sahaminta degmooyinka 30+ ka qaybqaadanaaya barnaamijka METCO, oo lagu qoondeeyay bakhtiyaa, oo online-ka laga dalbado inta lagu guda jiro mid ka mid ah afarta daaqadaha codsiyada bakhtiyaa ee METCO (kan ugu horeeya wuxuu xirmayaa Diisambar 31, 2022)
-
-
-
Dib u eegis kusamee xogta tayada dugsiga oo booqo dugsi walba oo aad xiisaynayso inaad dhigato.
Bisha Janaayo, Febaraayo iyo Maarso 2023, iska qor oo codso dugsiyada ku jira liiskaaga.
Waxaad codsan kartaa noocyo badan oo dugsiyo ah oo aad sidaad rabto, laakiin ma jiro hal qaab oo isku si looga codsado dugsi kasta; nooc kasta oo dugsi ah wuxuu leeyahay habraac gaar ah.
Xusuusnoow: marwalba waad diidi kartaa kursi kasta oo aad iska diiwaangelisay ama aad codsatay oo aad heshay—laakiin ma diidi kartid kursi aadan helin maxaa yeelay iskama aadan diiwaangalin ama codsan.
-
Si aad iskaga diiwanagaliso Boston Public Schools, booqo barta DiscoverBPS.orgoola xariir Adeegyada Soo dhawaynta inta lagu jiro wareega diiwaangalinta muhiimada gaarka ah leh.
-
Diiwaangelinta mudnaanta leh ee ardayda gelaysa darajooyinka K0, K1, K2, 6, 7, iyo 9 bilaabmaa Janaayo 4, 2023 oo xidhaa Febraayo 3, 2023.
-
Diiwaangelinta mudnaanta leh ee ardayda gelaysa dhammaan darajooyinka kale (1-5, 8, 10-12) waxay bilaabmaysaa Febraayo 8, 2023 waxayna xidhmaysaa Abriil 7, 2023.
-
Wixii macluumaad faahfaahsan ah oo ku saabsan isdiiwaangalinta dugsiyada BPS, fadlan booqo tusmadeena Macluumaadka Sida la iska Diiwaangaliyo Dugsiyada BPS .
-
-
Si aad u codsato bakhtiyaa nasiibka Dugsiyada Dowliga ah ee Boston Chareter, halkaan oonleen ahaan oga buuxi codsiga www.applybostoncharters.org
-
Codsiga bakhtiya-nasiibka ah ee dugsiyada charter ku wuxuu furmayaa Oktoobar 1, 2022 wuxuuna xirmayaa Feebaraayo 28, 2023.
- Si aad u hesho xog dheeraad ah oo faahfaahsan oo ku saabsan iska qorista dugsiyada BPS, fadlan booqo tusmadeena Xogta Qaabka la iskaga Diiwaangasho Dugsiyada Charter ka ah.
-
-
Si aad u codsato dugsiyada gaarka ah ee ku xiran diinta iyo dugsiyada madaxa banaan, fadlan kafiiri boggaga interneetka ee dugsiyada gaarka loo leeyahay si aad uga hesho macluumaadka codsiyada iyo waqtiyada u cayiman codsiyada.
Bilaha Maarso, Abriil, iyo Maayo 2023, dib u eegis ku samee meelaynnada dugsigaaga oo go'aan ka gaar.
-
Dib u eegis ku samee meelayntaada dugsiga. Ayadoo laga fiirinaayo noocyada dugsiyada aad codsatay, waxaad heleysaa ogaysiisyada meeleyn waqtiyo kala duwan:
-
BPS waxay caadiyan ogaysiiyaan qoysaska ardayda galaaya fasalada K0, K1, 2, 6, iyo 9 meelayntooda dugsiga bisha Maarso 31; dhammaan fasalada kale waxay helayaan meelayntooda dugsiga bisha Maayo 31.
-
Martiqaadyada Dugsiyada Imtixaanka ee BPS waxa la diri doonaa dhammaadka Abriil 2023.
-
Bakhtiyaa naasiibka dugsiyada dowliga ah ee boston charter wuxuu dhici doonaa 8, 2023. Dugsiyadaanu caadiyan waxay ardayda ogaysiiyaan natiijada bakhtiyaa nasiibkooda horaanta Maarso.
-
Meeleynta dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo ogeysiisyada ayaa xilliyo kala duwan dhaca ayadoo ku xiran dugsiga.
-
Degmooyinka METCO waxay ogeysiiyaan qoysaska meelaynta xilliga gu'ga iyo xagaaga, illaa horraanta Febaraayo iyo dhammaadka Sebteembar, marka sannad dugsiyeedku uu mar horaba biloowday. (Sababtaas awgeed, METCO waxay kula talinaysaa qoysaska inay haystaan ikhtiyaariyada iska qorista dugsiyo kale oo u diyaarsan marka lagu daro codsashada bakhtiyaa nasiibka METCO.)
-
-
Marka laylisyada iskuulkaaga, natiijooyinka bakhtiyaa nasiibka, aqbalaada iskuulka, ogeysiisyada liiska sugitaanka, go'aamada kaalmada dhaqaale ay soo baxaan, waxaad tixgelisaa waxa mudnaanta koobaad u ah qoyskaaga iyo ardayga. Si taxadar leh u eeg inuu jiro wax xilli ah oo loo qabtay aqbalaadaada (Haddiiba ay jiraan). Keena Sida loo gaaro go'aankaaga ugu dambeeya ee ku aaddan Iskuulka Tusmeeye wuxuu kaa caawin karaa inaad noqotid mid diyaarsan inta aad gaareysid go'aankaaga ugu dambeeya.
-
Ugu dambeyntiina, dooro dugsiga kuugu habboon oo ka qor ardaygaaga.
-
Mar alla markii aad go'aanka gaadho, horay usoco oo ardaygaaga ka qor dugsigiisa.
Maqabtaa Su'aal?
Khubaradeena ayaa kusiinaaya macluumaadka saxda ah ee aad kuhelayso dugsiga ugu fiican