Sida Loo codsado Bakhtiyaa-nasiibka Barnaamijka METCO
- Si aad ugu soo dejisato macluumaadkaan oo ku qoran afkaaga hooyo, isticmaal baraawsarkaaga si aad ugu daabacdo boggan.
- Booqo Xogteena Buuxda ee Qalabka Diiwaangelinta Dugsiga e Qoysaska
Halkaan guji si aad u codsato bakhtiyaa nasiibka METCO qaab oonleen ah.
Waa maxay METCO?
Ujeeddada barnaamijka METCO ee uu maal-geliyo gobolku waa in la ballaariyo fursadaha waxbarashada, la kordhiyo kala-duwanaanta, lana yareeyo takoorka midab-kala-sooca iyadoo loo oggolaanayo ardayda Boston inay dhigtaan dugsiyada dadweynaha ee bulshooyinka kale ee u oggolaaday inay dhigtaan.
Tan iyo markii la aasaasay, barnaamijka METCO waxa uu qorey tobanaan kun oo ardayda Boston ah oo kasoo jeeda qoomiyadaha aan cadaanka ahayn oo kaqeyb galaya dugsiyada degmooyinka wuxuuna siiyay fursada ardayda ku nool degmooyinkaas si ay ula kulmaan faa'iidooyinka barashada iyo ka shaqeynta goob qoomiyad ahaan iyo isir ahaan kala duwan. METCO waa barnaamijka isxilqaan ee ugu weyn oo si iskaa wax u qabso ah uga shaqeeya waddanka oo wuxuuna qabtaa ku dhawaad 3150 arday oo ku nool 33 qoomiyadaha dagan miyiga.
Qof kasta oo dagan Boston oo galaaya fasalka barbaarinta ilaa fasalka 10 ayaa codsan kara inuu iska qoro METCO. Qoysasku waxay codsigooda ku muujin karaan ilaa saddex degmo oo la door biday. Degmooyinka ay iskaashiga leeyihiin barnaamijka ayaa doorta ardayda leh arjiyada dhameystiran sanad walba iyadoo lagu salaynaayo tirada boosaska la heli karo fasal kasta iyo shuruudaha aqbalaada guud. Wax doorbid ah lama siinaayo qof ayadoo laga eegaayo daadaalkiisa akadeemiyada ama isboortiga, xiriirka shaqsiyeed, ama baahi dhaqaale.
Liiska Degmooyinka Dugsiga ee iskaashiga laleh METCO
Waxaa jira 33 Degmooyinka dugsiyada dadweynaha ah oo kaqeyb gala barnaamijka METCO.
- Liis dhammaystiran ee iskaashatada degmooyinka ka qaybgalaaya barnaamijka, fadlan booqo websaydhka METCO.
Jadwalka Codsiga Bakhtiyaa-nasiibka METCO
Aqbalaada barnaamijka METCO waxaa lagu go'aamiyaa bakhtiyaanasiib. Inkastoo la qaban karo bakhtiyaa nasiibyo badan sanadka oo dhan, taariikhaha bakhtiyaa nasiibyadaan ayaa kala duwanaan kara qoysaskana waxaa lagu boorinayaa inay codsadaan sida ugu dhakhsaha badan ee ay awoodaan.
Qoysaska danaynaya in loo tixgeliyo barnaamijka METCO waa inay buuxiyaan foomka Codsiga Bakhtiya nasiibka ee METCO ee online-ka inta lagu guda jiro mid ka mid ah wareegyada codsiyada bakhtiyaa.
Liiska hubinta ee Codsiga Bakhtiyaa-nasiibka METCO
Waxaa lagugu boorinayaa inaad gudbiso dukumiintiyada lagaa doonaayo si ay Xarunta Dhexe ee METCO u xaqiijiso marka aad codsiga oonleen ku buuxiso. Codsiyada waxaa kaliya la gelin doonaa bakhtiyaa-nasiibka haddii dhammaan dukumiintiyada la xaqiijiyo kahor dhammaadka mudada codsiga. Dukumiintiyada soo socda ayaa qasab ah si aad u buuxiso codsigaaga bakhtiyaa-nasiibka ee METCO laguuguna daro bakhtiyaa-nasiibka:
-
Aqoonsiga Sawirka leh ee Mas'uulka Sharciga ah
-
Shahaadada dhalashada ardayga
-
Hal (1) dukumiinti oo cadeynaaya inaad MULKIYADIISA LEEDAHAY AMA KIRO KU DAGAN TAHAY guri kuyaala Boston
-
Labo (2) dukumiinti oo cadaynaaya in aad ku NOOSHAHAY gurigaas ku yaala Boston, oo ku taariikhaysan 60 kii maalmood ee lasoo dhaafay
Faahfaahin dheeraad ah oo gaar ah oo ku saabsan dukumiintiyada la aqbali karo, fadlan booqo webseetka METCO.
Su'aalaha Badanaa La Is Weydiiyo ee la xariira METCO
Waa maxay taariikhda METCO sideese loo maalgeliyaa barnaamijka?
Sanadkii 1965, Sharciga Guud ee Massachusetts Cutubkiisa 76, Qeybta 12A ayaa siiyay gudiyada dugsiyada ee magaalada iyo degmooyinka xaqa ah inay "gacan ka gaystaan baabi'inta isir takoorka" iyo "kala saraynta isirada" ayagoo galinaaya carruurta meel kale dagan dugsiyadooda. "Kala soocida isirka" waxaa lagu qeexaa inay dhacdo markay dadweynaha dugsiga ay in ka badan 70% yihiin cadaan.
METCO, Inc. (HQ) ayaa ahaa adeeg bixiyaha meelayntaan tan iyo 1966 baarlamaanka gobalka ayaana qoondeeyay maalgalin sannad kasta. Deeqaha waxaa intaas kadib maamusha Massachusetts Department of Elementary and Secondary Education (Waaxda Waxbarashada Hoose iyo mida Sare ee gobalka Massachusetts). Degmooyinku waxay sidoo kale helayaan maal galinta cutubka 70 oo la siinaayo arday kasta oo degmada ka diiwana gashan.
Muxuu METCO hadda u adeegsanayaa bakhtiyaa-nasiibka?
Markii METCO la abuuray sanadkii 1966, ma jirin kumbuyuutarro shaqsiyadeed, internet, ama taleefanno casri ah. Illaa iyo hadda, inta badan nidaamka codsigu wuxuu ku qornaa warqad qoysaskuna waxay u diiwaangalin jireeen dhallaankooda cusub si shaqsi ahaaneed waxayna sannado sugi jireen liiska sugitaanka kumanaan arday.
Hada, nidaamka bakhtiyaa-nasiibku wuxuu xaqiijinayaa inay fursado siman helaan qoysaska ka tirsan bulshooyin balaaran, ayna ku jiraan kuwa dhawaan soo dagay Boston. Markay dhamaato mudada codsigu, arday kasta oo barnaamijka u qalma, lana xaqiijiyay wuxuu helayaa fursad la mid ah kuwa kale oo ah kuwa loo gudbiyo degmo iskaashi laleh METCO ayadoo la adeegsanaayo bakhtiyaa-nasiib qori tuur ah.
Ardaydu ma doortaan magaalada ama baladka ay dugsi ka dhigan karaan?
Markii ugu horreysay ee taariikhda METCO iyo markii ugu horeysay tan iyo markii ay siyaasadda diiwaangalinta ugu horeysay lagu sameeyay 2019, sida bishii Agoosto 2022 METCO wuxuu ku faraxsan yahay inuu ku dhawaaqo hagaajinta habka codsiga iyada oo la habaynayo dukumiintiyada loo baahan yahay iyo bilaabidda barnaamijka darajayn tijaabo ah si waalidiinta loo siiyo fursad ay ku darsadaan ilaa saddex degmo oo dugsi ah.
METCO ma yahay barnaamij lagu kala saaro dadka dakhliga ay haystaan?
Maya. Nidaamka Codsiga, gudbinta iyo meelayntu wax xog ah kaama waydiinaayo dakhliga aad haysato.
Cunugaygu wuxuu qabaa baahiyaha gaarka ah ee waxbarashada. Wali ma codsan karnaa METCO?
Haa. Dhammaan ardayda jira ugu yaraan 5 sano jirka ah (marka la gaaro Agoosto 31) oo galaaya fasalada K2 ilaa 10 kuwaas oo ku nool Boston ayaa u qalma inay codsadaan barnaamijka METCO.
Goorma ayuu qoyskeenu ogaadaa haddii cunugeena lagu daro dugsi?
Degmooyinka iskaashiga laleh METCO waxay bixiyaan fursadaha boos siinta ardayda laga bilaabo Janaayo ilaa Oktoobar. Ardayda ayaa heli kara fursadaha boos siinta ee METCO kadib marka sanad dugsiyeedku biloowdo. Maadaama ay taasi jirto, Boston School Finder waxay ku borinaysaa qoys kasta oo codsanaaya METCO inuu sidoo kale iska qoro uuna codsado dookhyada kale ee dugsiyada ku yaala Boston. Aaladeena Diiwaangelinta Dugsiga ayaa ka caawin karta inaad biloowdo fiirfiirinta dookhyadaada dugsiyada Boston.
Qasab miyay igu tahay inaan dhiibo garashka gaadiidka dugsigayga METCO katirsan?
Maya. Degmooyinka iskaashiga laleh METCO ayaa bixiya basas arayda gaysa dugsiyadooda ayadoo ardayda lagasoo qaado goobo kooban oo basku istaagaayo gudaha Boston, ayadoo goobaha ugu muhiimsan ku yaallaan xaafadaha Dorchester, Mattapan, iyo Roxbury. Qoysaska ayaa masuul ka ah gaadiidka carruurta gaynaaya kana soo qaadaay goobahaas basaska dugsigu istaagayaan.
Qoyskaygu wuxuu codsaday sanadkii lasoo dhaafay iyo/ama cunugayga waxaa lagu daray liiska dadka booska ka sugaaya METCO. Ma qasab baa inaan sanadkaan codsano?
Haa. Waa qasab inaad codsato bakhtiyaa-nasiibka METCO sanad kasta haddii aadan boos ka helin dugsi iskaashi laleh METCO sanadkii hore.
Wixii jawaabo dheeri ah oo la xariira Su'aalaha Inta badan la Isweydiiyo ee ku saabsan METCO, fadlan booqo webseetka METCO.
Maqabtaa Su'aal?
Khubaradeena ayaa kusiinaaya macluumaadka saxda ah ee aad kuhelayso dugsiga ugu fiican