Macluumaad kusaabsan Boston School Finder
Cidda Aan Nahay
Boston Finder School waa hay'ad aan macaash doon ahayn oo la aasaasay sanadkii 2017. Waan ognahay in doorashada dugsiga saxda ah ee ku habboon cunuggaaga ay tahay mid kamid ah go'aamada ugu muhiimsan ee qoysku sameyn karo. Waxaan taageernaa qoysaska annagoo ku siinayna qalabkii aad ku heli lahayd oo uga qori lahayd cunuggaaga dugsi ku habboon, nooc kasta oo dugsigu noqdaba.
Waxaan iskaashi la leenahay dugsiyada dhamaan qeybaha: kuwa dadweynaha, kuwa gaarka loo leeyahay, iyo jaatarka—iyo sidoo kale ururada bulshada deegaanka—si aan u gaarno oo aan wax u barno qoysaska taariikh ahaan la liidi jiray ee kuwaana wax ka barno dhammaan dookhyadooda dugsi ee ay ka heli karaan magaallada Boston.
Hiigsigeena
Hadafkeena waa inaan dimuqraadiyayno nidaamka xulashada iyo diiwaangelinta dugsi ee qoysaska Boston. Waxaan ku gaarnaa tan anagoo kaalmaynayna qoysaska reer Boston sidii ay u dooran lahayeen dugsi ku habboon ardayda iyo qoysaskooda.
Himiladeena
Waxaan hiigsaneynaa inaan ka dhigno hannaanka isqorista dugsiga mid caddaalad u ah dadka oo idil — gaar ahaan qoysaska waagii hore latakoori jiray — annaga oo awood siineyna qoysaska qaab si sahlan loo heli karo, oo si fudud loo fahmi karo saldhigyada aqoonta ee dugsiyada Boston. Haddii aan nahay Boston School Finder, waxaan aaminsanahay in dhammaan dadka reer Boston — iyada oo aan loo eegin waxyaabaha ay ka mid yihiin jinsiyadda, heerka dhaqan-dhaqaale, luuqadda, ama kartida — ay u qalmaan fursad loo wada siman yahay oo lagu doorto laguna dhigto dugsi aad u haboon.
Iskaashatadeena
Iskaashatadeena farsamada casriga ah waxaa kamid ah ADK oo naga caawiso abuurista webseetka Smartling oo naga caawisa turjumaad tayo sare leh, oo dad banii'aadam ah sameeyaan. Boston Schools Finder waa hal abuur ay maal galiso hay`adda Dugsiyada Boston( Boston Schools Fund.)
Maqabtaa Su'aal?
Khubaradeena ayaa kusiinaaya macluumaadka saxda ah ee aad kuhelayso dugsiga ugu fiican