Noocyada Dugsiyada Kuyaala Boston
- Macluumaadkaan halkaan kujira usoo dejiso qaab PDF oo af Ingiriis ah.
- Si aad ugu soo dejisato macluumaadkaan oo ku qoran afkaaga hooyo, isticmaal baraawsarkaaga si aad ugu daabacdo boggan.
- Booqo Xogteena Buuxda ee Qalabka Diiwaangelinta Dugsiga e Qoysaska
Markaad tahay qoys kudhaqan Boston, waxaad helaysaa dookhyo ka badan 200 oo dhanka dugsiyada ah kuna yaala Gudaha Magaalada Boston kaliya. Xogtaan tusmada ah waxay sharaxaysaa nooc kasta oo dugsi ah oo ay heli karaan qoyskaagu, ayna ku jiraan dookhyo ka baxsan Magaalada Boston. Waxaad codsan kartaa noocyo badan oo dugsiyo ah oo aad sidaad rabto, laakiin ma jiro hal qaab oo isku si looga codsado dugsi kasta; nooc kasta oo dugsi ah — iyo xataa dugsiyada kaliga ah qaarkood oo nooc gaar ah ka tirsan — wuxuuna leeyahay habraac gaar ah.
Boston Public Schools (BPS)
Waxaa kale oo loo yaqaan "dugsiyada degmada" ama "BPS," Boston Public Schools waa dugsiyo dawladeed oo lacag la'aan ah kuna yaalla magaalada Boston. Waxaa jiro in kabadan 125 dugsiyada BPS ah oo kuyaala Boston. Dugsiyada BPS waxaa dhigto ardayda kujira fasalada K0 ilaa K2 (da'aha 3 ila 5 sano jir) ilaa fasalka 12 iyo wixii kasii danbeeya.
-
Waxaa jiro noocyo badan oo dugsiyo iyo barnaamijyo ah kuna yaala BPS, ayna ku jiraan dugsiyada billoow iyo dugsiyada imtaxaanka, dugsiyada Charter ka ee Horace Mann "gudaha degmada", iyo barnaamijyo sida casharada shaqada casriga ah iyo Waxbarashada Dhammaan. Booqo Tusmadeena Ilaha BPS si aad maclumaad dheeri ah u hesho.
-
Dhagsii halkaan si aad u aragto Boggaga dhammaan Dugsiga katirsan BPS adoo adeegsanaaya aalada School Finder.
Dugsiyada Dadwaynaha ee Commonwealth Charter
Kuwaasoo si fudud loogu yeeri karo sidoo kale “charter schools,” waxaa jiro 16 xarumood oo dugsiyada dadwaynaha Commonwealth charter ahoo ku yaalla Boston. Dugsiyadaan waa kuwo bilaash ah oo u furan dad waynaha. Ardayda danaynaysa waxay codsan karaan mid kamid ah ama dhammaan 16 dugsi ee charter isku wakhti ayaka oo adeegsanaya Codsiga Dugsiyada Dadweynaha Bosto . Meeleynta dugsiyadaan charter-ka ah waxaa lagu go'aamiya bakhtiyaa-nasiibka ee dugsi kasta.
-
Booqo Tusmadeena Dugsiyada Charter ka ah si aad xog dheeri ah uga ogaato.
- Dhagsii halkaan si aad u aragto bogageena Dugsiyada Dadwaynaha ee Commonwealth Charter oo aad ka helayso aaladeena School Finder.
Dugsiyo Diini ah oo Gaar Loo leeyahay
Sidoo kale loo yaqaan "dugsiyada diinta," Boston waxay leedahay dugsiyo diimeedyo gaar loo leeyahay, oo ay ku jiraan tiro badan oo dugsiyada Katooliga ah. In kasta oo dugsiyada diimeed ee gaarka loo leeyahay ay yihiin kuwo lacag lagu dhigto, qaar badan oo ka mid ah dugsiyadaan waxay bixiyaan kaalmo lacageed iyo/ama deeqo waxbarasho oo la siiyo ardayda. Qaar ka mid ah dugsiyada katooliga ah waa bilaash ama waxay bixiyaan kaabid lacageed, oo lagu salaynaayo dakhliga qoyska. Dugsi kasta oo gaar loo leeyahay wuxuu leeyahay hanaankiisa gaarka ah ee qorista ardayda wuxuuna doonaaya codsigiisa u gaarka ah. Ma jiro codsi guud oo loogu talagalay dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaal Boston.
-
Booqo Tusmadeena Dugsiyada gaarka loo leeyahay si aad xog dheeri ah uga ogaato.
-
Dhagsii halkaan si aad u aragto Bogageena Dugsiyada gaarka loo lee diinta ku xiran ood ka helayso aaladeena School Finder.
dugsiyada madaxa banaan
Ayagoo sidoo kale loo yaqaano "dugsiyada gaarka loo leeyahay," qaar badan oo dugsiyadaan ah ayaa lacag lagu dhigtaa; intooda badan waxay baxshaan taageero dhaqaale ama deeqo waxbarasho oo la siiyo ardayda halka dugsiyada gaarka qaarkood lacag la'aan lagu dhigto. Dugsi kasta oo gaar loo leeyahay wuxuu leeyahay hanaankiisa gaarka ah ee qorista ardayda wuxuuna doonaaya codsigiisa u gaarka ah. Ma jiro codsi guud oo loogu talagalay dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaal Boston.
-
Booqo Tusmadeena Dugsiyada gaarka loo leeyahay si aad xog dheeri ah uga ogaato.
-
Halkaan dhagsii si aad u aragto Boggageena Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Madaxa Banaan oo aad ka helayso aaladeena School Finder.
Fursadaha kale ee dugsiyada ka baxsan Boston
Marka lagu daro noocyada dugsiyada kor ku qoran, waxaa jira xulashooyin dugsi oo kaladuwan oo ay heli karaan qoyskaaga oo ku yaalla labadaba gudaha iyo banaanka magaalada Boston.
METCO
METCO waa barnaamij bilaash ah oo ardayda Boston ay ugu safraan dugsiyada dadweynaha ee oo ku kala yaalla in ka badan 30 magaallo oo iskaashi nalaleh iyo magaalooyin ka baxsan magaalada Boston. Aqbalaada barnaamijka METCO waxaa lagu go'aamiyaa bakhtiyaanasiib. Qoysaska danaynaaya in loo tixgeliyo barnaamijka METCO waa inay ku buuxiyaan foomka codsiga ee METCO oonleen ahaan.
-
Booqo Tusmadeena Ilaha METCO si aad maclumaad dheeraad ah u hesho.
-
Liis dhammaystiran ee iskaashatada degmooyinka ka qaybgalaaya barnaamijka, fadlan booqo websaydhka METCO.
Dugsiyada iyo Barnaamijyada Waxbarshada Xirfada/Farsamada Gacanta
Sidoo kale waxaa loo yaqaanaa dugsiyada iyo barnaamijyada "voc-tech" marka lasoo gaabsho, dugsiyada iyo barnaamijyada barashada xirfada/farsamada gacantu waxay siiyaan barashada xirfad gaar ah ama ganacsiga xirfadaha ka jira xarumaha noocaas ah sida beeraha, alaabaha la isku qurxiyo, korontada, tuubooyinka, iwm. Barnaamijyadaan ayaa laga bixin karaa dugsiyada kaligood ah ama xarumaha dugsiyada, ama waxaa lagu dari karaa xirfad waxbarasho oo gaar ah oo lagu sameeyo degmooyinka dugsiyada dawlada ee ku yaalla Massachusetts.
-
Booqo webseetka Waaxda Waxbarashada Dugsiga Hoose/dhexe iyo Sare si aad u hesho liiska dugsiyada Waxbarashada Xirfada/Tababarka shaqada iyo Barnaamijyadaka shaqeeya Massachusetts. Dooro "Ch. 74 Career/Voc Tech Education" oo ku jira qaybta dookhyada hoose ee "Type(s) (Noocyada)" kadibna guji "Get Results (Hel Natiijooyin)" si aad u aragto liiska buuxa ee dugsiga.
-
Wixii xog dheeraad ah, fadlan booqo webseetka Waxbarashada Dugsiga Hoose/dhexe iyo Sare ee Waxbarashada Xirfada/Tababarka shaqad.
Dugsiyada Dadwaynaha ee Massachusetts Commonwealth Charter
Waxaa intaas sii dheer 16 Commonwealth charter schools ee ku dhex yaalla Magaalada Boston, dadka dagan Boston waxaa lagusoo dhawaynayaa nidaamka bakhtiyaa-nasiibka ah ee ay ugu tartamayaan mid kamid ah 80 dugsi ee Commonwealth charter schools across the state.oo ku yaalla daafaha gobalka. Dugsiyadaan waa kuwo bilaash ah oo u furan dad waynaha. Commonwealth charter schools ee ka baxsan Boston Public Charter Schools mid kasta waxay lee yihiin codsiyadooda diiwanagalinta oo u gaar ah iyo waqtiyo u gaar ah oo diiwaan galintoodu ku dhamaato. Markasta waxaa jiro dookh lagu salaynaayo xaafada, laakiin dhamaan dugsiyada Commonwealth charter waxay leeyihiin hanaan bakhtiyaa-nasiib ah oo qof kasta codsan karo.
-
Booqo webseetka Waaxda Waxbarashada Dugsiga Hoose/dhexe iyo Sare si aad u hesho liiska dugsiyada Dadwaynaha ee Commonwealth charter ee ku yaala Massachusetts.
-
Wixii macluumaad dheeri ah, fadlan booqo Webseetka Dugsiyada Public Charter ee kuyaala Massachusetts.
Dooqa Dugsiga Degmada-Inter
Qaar ka mid ah dugsiga degmooyinka waxay u oggolaadaan carruurta ka baxsan xaduudahooda inay uga qeybgalaan dugsiyadooda dhinaca barnaamijka dooqa dugsiga-inter degmada. Waaladiinta waxaa looga baahanyahay inay u codsadaan dugsi walba si gooni ah, iyo dugsi kasoo badelashada lama hubo. Carruurta ka qeybgala dugsiyada ka baxsan degmooyinka gurigooda barnaamijka dooqa dugsiga-inter degmada ma helaan gaadiid bilaash ah. Lagasoo bilaabo 2019, waxaa jira 170 dugsiyada degmooyinka dadweynaha ah daafaha gobalka oo kaqeyb gala barnaamijka.
-
Bookho Macluumaadkeena Hagaha ku saabsan Sida Dugsi Degmadeed Kale loogu Wareego si aad waxbadan oga ogaato aadna u aragto liis buuxa oo ah dugsiyada degmada ee ka qayb galaya kuwaas oo aqbalaaya ardayda ka imaanaysa meel ka baxsan degmadooda.
-
Si aad uhesho macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan Dookhyada iskudhafka Degmooyinka, fadlan booqo Waaxda Waxbarashada Dugsiyada hoose iyo Sare Adiga oo Dooranaaya Hagaha Dugsiga.
Massachusetts Academy of Math and Science
Asagoo sidoo kale loogu yeero “Mass Academy,” dugsigaan wuxuu ku yaallaa Worcester, Massachusetts wuxuuna ku xiran yahay machadka Worcester Polytechnic Institute (WPI). Mass Academy waa dugsi dawladeed, oo bilaash ah, waxbarasho isku dhafanna lagu barto kaasoo ka shaqeeya guusha ardayda ayna dhigtaan kudhawaad 100 ardayda oo aqoon ahaan boobsiis wax u baranaaya kuna ira fasallada 11aad iyo 12aad oo ka kala yimid daafaha gobalka Massachusetts. Ardaydu waxay ku bartaan casharo adag WPI si loogu diyaarsho waxbarashada kuleejka kahor intaysan ka qalin jabin dugsiga sare.
-
Wixii macluumaad dheeraad ah oo la xariira barnaamijka iyo sida aad u codsanayso, fadlan booqo Webseetka Mass Academy.
Dugsiga Fogaan aragga ah ee GreaterCommonwealth(Greater Commonwealth Virtual School) (GCVS)
Dugsiga oonleenka ah ee Greater Commonwealth—aoo sidoo kale loogu yeero GCVS—waa dugsi dawladeed, oo bilaash ah oo bixiya waxbarashada K-12 o gabi ahaanba oonleen ah. GCVS wuxuu siiyaa ardayda dhammaan awoodaha kala duwan leh ikhiyaarka manhaj oonleen ah kaasoo u sahlaaya inay wax bartaan ayagoo guriga jooga ayagoo buuxinaaya dhammaan heerarka waxbarashada ee Massachusetts, ayagoo ay dhigayaan macalimiin shahaado ka haysta gobalka kuwaasoo tababaran khibradna uleh wax barista oonleenka ah.
-
Haddii aad dooneyso macluumaad dheeraad ah oo la xariira diiwaangalinta, fadlan booqo webseetka Dugsiga oonleenka ah ee Greater Commonwealth.
Dugsi Oonleen ah ee TEC Connections Academy Commonwealth (TECCA)
Dugsiga oonleenka ah ee TEC Connections Academy—oo sidoo kale loogu yeero TECCA—waa dugsi dawladeed, oo bilaash ah ahna oonleen oo bixiya waxbarashada K-12 oo gabi ahaanba oonleen ah. TECCA wuxuu siiyaa ardayda waxbarasho oonleen ah oo tayo leh taasoo badal u ah fasalada caadiga loo fariisto asagoo bixinaaya hanaan waxbarasho oo taageero leh, gaarna ah; casharo wax ku ool ah; khibradaha waxbarashada oo wada shaqayn leh; iyo manhaj isku dhafan oo kobcinaaya diihaalka, kor u qaadaaya kobaca shaqsiyada, korna u qaadaaya guusha tacliinta.
-
Wixii macluumaad dheeri ah oo la xariira diiwaangalinta, fadlan booqo webseetka Dugsiga oonleenka ah ee TEC Connections Academy Commonwealth.
Waxbarashada Guriga: Wax ku barista Cunugaaga Guriga
Gudaha Massachusetts, qoysasku waxay ku siin karaan carruurtooda waxbarasho guriga loogu dhigo—gooni ah oo ka madax banaan dugsiga dawlada ama gaarka loo leeyahay. Tan waxaa loo yaqaan "waxbarasho guri." Markaad doorato in guriga wax lagu baro ilmahaaga, barnaamijka waxbarashada guriga lagu dhigto (sidoo kale loo yaqaano qorshaha waxbarashada) waa inuu horay u ansixiyaa kormeeraha guud ama guddiga dugsiga ee degmada aad dagan tahay. Dadka reer Boston, tani waxay ka dhigan tahay in qorshaha waxbarashadda ilmahaaga ay qasab tahay in loo soo gudbiyo uuna oggolaado Xafiiska Dugsiyada Dadweynaha Boston ee Fursadaha Balaaran ee Waxbarashada.
- Wixii macluumaad intaas ka badan oo ku saabsan shuruudaha waxbarashada guriga looga baahan yahay ee qoysaska, fadlan booqo Hagahaan kooban ee Tusmada Bilaabida Waxbarashada oo kasoo baxay Ururka Waxbarashada Guriga lagu dhigo ee Massachusetts (MHLA). MHLA waa urur khayri ah oo u qareemid iyo waxbarasho baxsha kaasoo taageera waxbarashada guryaha lagu dhigto oo badal u ah dugsiyada dawlada ama kuwa gaarka loo leeyahay.
- Wixii xog dheeraad ah oo ku saabsan bilaabista hanaanka codsiga waxbarashada guriga lagu dhigto gudaha Boston, fadlan booqo bogga waxbarashada guriga lagu dhigto ee Xafiiska Fursadaha Balaaran ee Waxbarashada ood ka helayso webseetka BPS. Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah, fadlan iimeel u dir homeschooling@bostonpublicschools.org.
Maqabtaa Su'aal?
Khubaradeena ayaa kusiinaaya macluumaadka saxda ah ee aad kuhelayso dugsiga ugu fiican