Sida loo codsado dugsiyada Dadwaynaha ee Boston Charter
- Si aad ugu soo dejisato macluumaadkaan oo ku qoran afkaaga hooyo, isticmaal baraawsarkaaga si aad ugu daabacdo boggan.
- Booqo Xogteena Buuxda ee Qalabka Diiwaangelinta Dugsiga ee Qoysaska.
Halkaan guji si aad u codsato bakhtiyaa nasiibka Boston Charter.
Xilliga kama dambaysta ah ee codsiga: Talaado, Febraayo 28, 2023
Waa maxay dugsiyada Dadwaynaha ee Commonwealth Charter?
Kuwaasoo sidoo kale si fudud loogu yeeri karo “charter schools,” waxaa jiro 16 dugsi oo Commonwealth charter ah oo ku yaalla Boston. Dugsiyadaan waa kuwo bilaash ah oo u furan dad waynaha. Qoysaska danaynaysa waxay codsan karaan mid ka mid ah ama dhammaan dugsiyada Boston charter waqti isku mid ah iyadoo ay Bartamaha Boston Charter Public School Codsiga onlineka ah.
Liiska Dugsiyada Dadwaynaha ee Commonwealth Charter oo ku yaal Boston
- Dhagsii halkaan si aad u aragto bogageena Dugsiyada Dadwaynaha ee Commonwealth Charter oo aad ka helayso aaladeena School Finder.
Jadwalka Codsiga Dugsiga dadwaynaha ee Charter ka ah iyo Liiska Hubinta
Qori tuurka dugsiyada dadwaynaha ee Charter ee sanad dugsiyeedka soo socda ayaa dhacaaya xiliga dayrta ka hor intaan sanadku bilaaban. Ardayda doonaaya inay bilaabaan dugsiga dadweynaha Charter Sebteembar 2023, hanaanka dugsiga charter ku waxa uu dhacayaa xiliga Dayrta 2023.
Oktoobar 2022
- Bakhtiyaa nasiibka Codsiga Onleenka ah ee Boston ee Sanad Dugsiyeedka 2023-2024 wuxuu furmayaa Oktoobar 1, 2022.
Feebaraayo 2023
-
Oonleen ku codso bakhtiyaa nasiibka Dugsiyada Dadwaynaha ee Charter ka ah ee Boston Commonwealth marka lagaaro Feb. 28, 2023.
Maarso 2023
-
Bakhtiyaa nasiibka Dugsiyada Charter ee Dadweynaha Boston Commonwealth waxa uu dhacayaa Maarso 8, 2023. Dugsiyadaanu waxay ardayda iyo qoysaska ogaysiiyaan natiijada bakhtiyaa nasiibkooda horaanta Maarso.
-
Booqo Kalaandarkeena Diiwaan galinta Dugsiga si aad u hesho taariikhaha gaarka ah ee bakhtiyaa nasiibka dugsi kastra.
Guga 2023
-
Qoysaska waa lala soo socodsiin doonaa haddii ay boos heleen. Wakhtiga la socosdiinta dhabta ah waa u kala duwan yahay dugsiyada; qoysasku waxay wici karaan dugsiga u gaarka ah ama waxay fiirin karaan SchoolMintsi ay ula socdaan heerka codsigoodu marayo.
-
Qoysasku waxay cadeynayaan degenaanshooda markay aqbalaan booska ay ka helaan dugsiga. Taariikhda dalabka iyo dukumiintiyada looga baahan yahay waa ay ku kala duwan yihiin dugsiyada; fadlan ka aqiiqso dugsiyada aad codsatay iyo/ama ku siiyay ku biirista.
Xgaaga 2023
-
Haddii lagu soo galiyo liiska sugitaanka, Boston Charter Public Schools waxay sii wadayaan in ay sameeyaan dalabyo xagaaga oo dhan marka boosasku soo baxaan.
Su'aalaha Badanaa La iska Waydiiyo Dugsiyada dawlada ee Charter ka ah
Miyaan codsadaa dugsiyada charterka Dadwaynaha?
Boston School Finder waxa uu kula talinayaan dhammaan qoysasku inay ka fakaraan ayna codsadaan nidaamka qori tuurka ee Boston’s Commonwealth charter. Waa bilaash inaad codsato codsiguna waa mid fudud. Xasuusnoow: mar kasta waad diidi kartaa boos lagaa siiyay dugsi dawladeed oo Charter ah haddii uusan ahayn dookha qoyskaagu rabay.
Waxaan sidoo kale kula talinaynaa dhammaan qoysaska inay muhiimad siiyaan ayna iska qoraan Boston Public Schools (BPS) iyo nidaamka qori tuurka ee METCO, oo ah kaba nidaam oo dookhyada dugsiyada dawlada ee bilaashka ah looguna talagalay qoysaska Boston.
Sidee ayaan kucodsan karaa?
Waxaad codsan kartaa DHAMMAAN dugsiyada Dadwaynaha ee Charter ka ah ee Boston halmar adoo adeegsanaaya codsiga oonleenka ah ee Dugsiga Dadwaynaha ee Charter ka ah ee Boston.
Codsiga oonleenka ah waxa uu kaa doonayaa ciwaanka guriga. Maxaa dhacaayo haddii aan ahay hooy la'aan?
Dhammaan ardaydu awood ayay u leeyihiin inay codsadaan dugsiyada charter ka ah ee dawlada ee ku yaala Massachusetts. Inkastoo loo baahan yahay ciwaanka guriga si aad u dhamayso codsiga oonleenka ah ee dugsiga charter ka ah, ardayda aan lahayn hoyga waxay galin karaan ciwaan ku meel gaar ah.
Waxaan sidoo kale adeegsan kartaa ciwaanka soo socda markaad codsiga dirsanayso:
215 Sydney Street
Dorchester, MA 02125
Sidee dugsi Commonwealth Charter ah oo Dadwaynuhu uga duwan yahay Dugsiga Horace Mann Charter?
Gudaha Boston, dugsiga Commonwealth charter waa dugsi dawladeed, oo u furan dhammaan ardayda, bilaashna lagu dhigto. Waxa uu sidoo kale ku shaqeeyaa qaab ka madax banaan degmada Boston Public Schools (BPS). Waxaa jiro laba nooc oo kala duwan oo dugsiyada Dadwaynaha ee Charter ka ah oo ku yaala Massachusetts:
-
Commonwealth: Dugsiyada Dadwaynaha ee Commonwealth charter waxay si madax banaan uga shaqeeyaan degmo kasta waxaana aqoonsiga charter ka siiya gobalka.
-
Horace Mann ama Heer Degmo: Dugsiyada Horace Mann charters waxay qayb ka yihiin degmada dugsiga dawlada laakiin waxay xor u yihiin inay dookhyo ayaga u gaar ah ka sameeyaan miisaaniyada dugsiga iyo sida dugsigu u shaqaynaayo.
Sharciga dugsiyada charter ka ah ayaa kala duwan gobal kasta daafaha Maraykanka. Gudaha Massachusetts, dugsiyada Dadwaynaha ee Commonwealth charter waxaa lagu siiyaa aqoonsigooda charter ahaanshaha—haayad ahaan, oo ah qandaraas ama heshiis—si ay dugsi uga furaan ama u dhigaan dugsi waxaana siisa Waaxda Waxbarashada ee Gobalka (DESE).
Shantii sanaba mar, dugsiyada dawlada ee Commonwealth charter ka ah waxaa laga doonayaa inay maraan hanaanka cusboonaysiinta ee dugsiga charter ka ah. Commonwealth charters waa lagula xisaabtamayaa dadaalka dugsigooda iyo ardaydooda. Haddii dugsi Dadwayne oo Commonwealth charter ah uusan buuxin hiigsiyada dadaalka, waxaa suurtagal ah in albaabada la iskugu dhufto.
Dugsiyada Dadwaynaha ee Charter ka ah waxay u adeeggaan dhammaan ardayda, ayna ku jiraan ardayda qaba baahiyaha gaarka ah ama baahida taageerada ardayda barata Luuqada Ingiriiska.
Ma jiraan noocyo kale oo dugsiyada Charter ka ah oo ku yaala Boston?
Haa. Gudaha Boston, waxaa ku yaalla lix dugsi oo Horace Mann charter ah—oo sidoo kale loogu yeero dugsiyada charter ka ah ee “Heer Degmo”. Si lamid ah dugsiyada dadwaynaha ee Commonwealth charter, dugsiyada charterka ah ee Heer Degmo waxay xoriyad dheeraad ah u haystaan inay hawl galaan, laakiin waxay wali qayb ka yihiin degmada Boston Public School.
-
Waxaad ka helaysaa xog dheeraad ah oo ku saabsan Horace Mann Charters webseetka Boston Public Schools.
-
Dhagsii halkaan si aad u aragto bogageena dhammaan Dugsiyada BPS Horace Mann Charter oo aad ka helayso aaladeena School Finder.
Waxaan qabaa su'aalo badan. Xagee ayaan ka helayaa xog dheeraad ah?
Bogga su'aalaha Badanaa la iswaydiiyo ee Codsiga Oonleenka ah ee Dugsiga Dadwaynaha ee Charterka ee Boston ee oonleenka ah ayaad ka helaysaa halkaan.
Maqabtaa Su'aal?
Khubaradeena ayaa kusiinaaya macluumaadka saxda ah ee aad kuhelayso dugsiga ugu fiican