Su'aalaha Badanaa La Is Weydiiyo
Khubaradeena ayaa kusiinaaya macluumaadka saxda ah ee aad kuhelayso dugsiga ugu fiican
-
Caddeynta xeerka daganaanshaha ma quseeyo ardayda iyo qoysaska guri la'aanta ah. La xariir Shabakada Ilaha Waxbarshada Hoy la'aanta ee BPS (617-635-8037) ama booqo Xarunta Soo dhaweynta si lagaaga caawiyo diiwaangelinta ilmahaaga. Haddii aad ku nooshahay hoyga badbaadinta, keen warqad ka timid shaqaalaha hoyga badbaadinta oo sheegaysa inaad halkaas ku nooshahay. Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan booqo Webseetka Xeerka Deganaanshaha ee BPS.
-
Canug walbo oo qoyskiisu ku nool yihiin Caaasimada Boston waa hubaal inuu geli karo waxbarashada bulshada bilaashka ah ee Dugsiyada Bulshada Boston. Ma jiraan qoys loo diidayo gelitaanka dugsiga sababtoo ah heerkooda socdaalka. Qoysaska muhaajiriinta ah oo aan haysan sharciyada lana nool saaxibadood ama qaraabadooda waxaa loo tixgelin karaa “guri la'aan." Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan booqo Webseetka Xeerka Deganaanshaha ee BPS.
-
Barnaamijka Re-Engagement Center (REC, Xarunta Dib uhawlgalinta) ayaa ah barnaamijka kaliye ee Boston Public Schools kaasoo si gaar ah utaageera dadka aan wali dhamayn shahaadada dugsiga sare. Iskaashi udhaxeeya BPS iyo PIC, REC wuxuu siinayaa hal meel oo dhexe oo kutaala bii'o daryeel leh si ardaydu uhelaan macluumaadka iyo talosiinta ay rabaan si ay dugsi iskaga qoraan unasii wataan waxbarashadooda qalin jabinta.
GED/ HISET
Haddii aad doonayso inaad gasho imtixaanka GED/HISET si aad uhesho shaahado udhiganta tan dugsiga sare, waxaad macluumaadyada kahelaysaa liifaaqyada hoose:
-
XaruntaImtixaanka HISET (Goobta BPS)
-
Hoygaloogu talagalay imtixaan qaadayaasha naafada ah ama baahiyaha caafimaadka la xiriira
Phoenix Charter Academy ayaa sidoo kale maamula sadex dugsi oo kuwa sare ah kuna yaala daafaha gobalka Massachusetts, kuwaasoo loogu talagalay ardayda doonaaya inay dhamaystaan waxbarashada dugsiga sare ee kakala go'day. Dugsiga ugu dhaw Boston wuxuu kuyaalaa Chelsea. -
Haddii cunugaagu leeyahay IEP, aadna dugsiga galayso markaagii koobaad, waxaad haystaa dhawr dookh. Haddii aad doonayso inaad cunugaaga kaqorto Boston Public Schools (BPS), koox ayaa laguu xilsaarayaa si ay kaaga caawiyaan gaynta cunugaaga dugsi, si waafaqsan baahiyihiisa IEP da.
Haddii aad doonayso inaad wax kabarato dugsiyada charter ka ah, waa inaad lahadashaa dugsiyada gaarka ah si aad ugala hadasho sida ay u awoodaan bixinta adeegyada IEP da.
Wixii macluumaad dheeri ah iyo tilmaamo, booqo stusmadeena macluum gaarka ah.
-
Dhamaan dugsiyada dawlada waxaa laga doonayaa inay siiyaan ardayda waxbarasho ayadoon laga fiirin luuqada ay kuhadlaan. Haddii aadan ku hadlin Ingiriis, ilmahaagu wuxuu u baahanyahay qiimayn si uu u fahmo baahiyahooda kahor inta aan dugsiga loo xilsaarin. Haddii loo baahdo, waxaa lagalinayaa cunuga barnaamij taageeraaya luuqadiisa iyo baahiyihiisa waxbarashada. Tixraac agabyadeena ELL (Bartayaasha Luuqadda Ingiriisiga) si aad wax badan u barato.