Xaqiiqooyin Degdeg ah
Waqtiyada Kalawareega
Si aad u aragto xiliyada kalawareega ee laheli karo hoos gali goobtaada.
Fadlan ogsoonoow, ardayda ayaa xaq uyeelan kara gadiid lagusoo qaado laakin waxay kuxirantahay fasalkay dhigtaan iyo inta gurigoodu ay kunool yihiin ujiro dugsiga. Fadlan kafiiri qaybta FAQ ee kusaabsan gaadiidka si aad macluumaad dheeri ah uhesho.
Diiwaangalinta
Waxyaabaha ku saabsan Dugsiga
Ujeedadeenu waa inaa bixino waxbarasho adag ayada oo loo marayo STEAM (sayniska,tiknoolijiyada, injineernimada, farshaxanada iyo xisaabta). Waxaan ballan qaadnay inaa u dadaalno kala duwanaanta bulshadeena si ay u hormaraan ardayda.
Hormarka Dugsiga
Xogta dadaalka ardayga oo lagusoo bandhigay hoos ayaa kasoo baxay natiijooyinka Imtaxaanka Jiilka xigga (MCAS). Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan dugsiyada, fadlan booqo bogga internetkamassachusetts Department of Elementary and Secondary Education (DESE). Dugsiyada leh xarumo badan, xogta hoose waxay u taagan tahay dhamaan dugsiyada shabakadaas ku jira ee maahan kaliya iskuulka keli ah, haddii aan si kale loo xusin. Haddii aan xogta la muujin, looma heli karo dugsigaas (tusaale ahaan, iskuulku ma u adeegi karo wax fasal ah oo la tijaabiyay, ama dhibcaha ayaa aad ugu yar heerka la shaacin karo).
OGAYSIISKA MUHIIMKA AH: DESE masoo saarin go'aanada isla xisaabtanka dugsiga, degmada, ama gobalka ee sanad dugsiyeedka 2019-2020 sabab la xariirta joojinta imtaxaanada gobalka iyo xiritaanka dugsiga kadib markuu dilaacay COVID-19. Sidaas awgeed, ma jirto xogta dadaalka ardayga oo la heli karo oo kasoo baxday gobalka sanad dugsiyeedka 2019-2020.
Hormarka Isku Babac dhiga ah ee Dugsiga
Sidee dugsigaan loogu barbardhigi karaa waxyaabaha soo socda?
Akhrinta: Degmada
Waxqabad ka wanaagsan kan celceliska BPS ee degmada
Akhrinta: Gobolka
Samaynaya shaqo ka fiican tan celceliska gobolka
Xisaabta: Degmada
Waxqabad ka wanaagsan kan celceliska BPS ee degmada
Xisaabta: Gobolka
Samaynaya shaqo ka fiican tan celceliska gobolka
Imisa arday ayaa ka gudubtay MCAS?
Tan waxaa kujira dhammaan buundooyinka fasallada imtaxaanka laga qaaday ee dugsiga.
Xogta Deegaanka iyo Kala duwanaanshaha
Macluumaad dheeraad ah
Barnaamijyada Dugsiga Kahor
Dugsiga kahor: laga bilaabo 7:30 a.m. barnaamij ay bixiso YMCA ee ardayda da'doodu tahay 4 jir iyo kasii wayn (deeqo waxbarasho ayaa laheli karaa); Jirdhiska BOKS (waa bilaash).
Barnaamijyada Dugsiga Kadib
Barnaamij ay maamusho YMCA oo socda ilaa 6:00 p.m.; Playworks; Barnaamijka Project ALERTA ee Ardayda Ingiriiska dhigta; BU Making Music; Girl Scouts; Strong Women, Strong Girls.
Sharaxaada dharka dugsiga
Shaarar adag oo bulug khafiif ah, buluug madoow Xigeen ah, ama Cagaarka Kelly ah (kuwa leh/aan lahay astaanta ama calaamada Winshio) iyo nooc kasta oo kamid ah shaararka winship. Surwaaladu waa inay gaaraan faraha lugaha ardayga ama kahoos. Surwaalo jilicsan ayaa laga hoos xiran karaa koonada, iskoorka ama surwaalada. Kabuhu waa inay noqdaan kuwo xiran.
Dookhyada Taageerada
-
Barnaamijka Waxbarashada Dhalaanka oo gaar ah
-
Iskuduwaha Qoyska
Kalkaaliso saacado kooban Shaqaysa