Xaqiiqooyin Degdeg ah
Waqtiyada Kalawareega
Si aad u aragto xiliyada kalawareega ee laheli karo hoos gali goobtaada.
Diiwaangalinta
Waxyaabaha ku saabsan Dugsiga
Boston Prep waa dugsi dhexe oo isku dhafan, dugsi sare, iyo barnaamij lagu taageerayo qalinjabiyeyaasha oo loo qoondeeyay in lagu xaqiijiyo in dhammaan ardaydu ay u hormaraan tacliin ahaan iyo eedaab ahaanba. Xiriir adag ayaa ah aasaaska shaqadayada wuxuuna noo ogolaadaa in aanu si dhow ula lamaanowno ardayda iyo qoysaskaba anaga oo ka wada shaqaynayna sare u qaadidda korniinka tacliinta iyo dareenka bulshada. Barnaamij diyaarinta waxbarashada koleehka ah oo adag oo la socda taageero xooggan ayaa awood usiinaya dhammaan ardayda in ay gaaraan heerka ugu sareeya, koleejka galaan, ayna guul ka gaaraan koleejka. Maaddaama fasalka yagii ugu horeeyay uu qalin jabiyay 2011, dhammaan qalinjabiyeyaasha Boston Prep waxaa loo qaatay koleej afar sano ah. Barnaamijka yaga tageerada koleejka, oo loo yaqaano Persistence Project, waxa uu siiyaa dhammaan dadkii ka baxay tababar joogto ah, oo qofba gaarkiisa ah kaasoo ay bixinayaan lataliyeyaasha dadka ka qalinjabiyay, kaalmo dhaqaale, iyo tababar dhanka xirfadda ah. Waxaa xusid mudan, dadka ka qalinjabiya Boston Prep waxay helaan digrii bajulaarka tiro afar jeer ka badan kuwa kale.
Asaga oo ku yaala Hyde Park, Bostob Prep waxa uu degenyahay goob u suntan oo cusub taasoo bixisa shaybaaro loogu tala galay sayniska oo si buuxda u qalabaysan, qolka ciyaaraha, jiko isla goobta ah halakaasoo cuntada dhammaanteed lagu diyaariyo, hawo siiye laynka korkiisa ah, iyo kasii badan.
Hormarka Dugsiga
Xogta dadaalka ardayga oo lagusoo bandhigay hoos ayaa kasoo baxay natiijooyinka Imtaxaanka Jiilka xigga (MCAS). Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan dugsiyada, fadlan booqo bogga internetkamassachusetts Department of Elementary and Secondary Education (DESE). Dugsiyada leh xarumo badan, xogta hoose waxay u taagan tahay dhamaan dugsiyada shabakadaas ku jira ee maahan kaliya iskuulka keli ah, haddii aan si kale loo xusin. Haddii aan xogta la muujin, looma heli karo dugsigaas (tusaale ahaan, iskuulku ma u adeegi karo wax fasal ah oo la tijaabiyay, ama dhibcaha ayaa aad ugu yar heerka la shaacin karo).
OGAYSIISKA MUHIIMKA AH: DESE masoo saarin go'aanada isla xisaabtanka dugsiga, degmada, ama gobalka ee sanad dugsiyeedka 2019-2020 sabab la xariirta joojinta imtaxaanada gobalka iyo xiritaanka dugsiga kadib markuu dilaacay COVID-19. Sidaas awgeed, ma jirto xogta dadaalka ardayga oo la heli karo oo kasoo baxday gobalka sanad dugsiyeedka 2019-2020.
Hormarka Isku Babac dhiga ah ee Dugsiga
Sidee dugsigaan loogu barbardhigi karaa waxyaabaha soo socda?
Akhrinta: Gobolka
Waxqabad ka liita kan celceliska gobolka
Xisaabta: Gobolka
Waxqabad ka liita kan celceliska gobolka
Imisa arday ayaa ka gudubtay MCAS?
Tan waxaa kujira dhammaan buundooyinka fasallada imtaxaanka laga qaaday ee dugsiga.
Imisa arday ayaa qalin jabisay?
Qalin jabinta iyo Xaadirida Kuleejka
Xogta Deegaanka iyo Kala duwanaanshaha
Macluumaad dheeraad ah
Barnaamijyada Dugsiga Kahor
Quraac bilaash ah ayaa la siiyaa maalin kasta dhammaan ardayda.
Barnaamijyada Dugsiga Kadib
Howlaha dugsiga kadib ee Boston Prep waxaa ku jiro ciyaaraha (kubada cagta, isku talaabta gobolka, kubadda laliska, kubada kolleyga, orodka iyo garoonka, baseball-ka, Kubada Calanka, iyo softball-ka), kooxyo kala duwan, caawinta layliga guriga, saacadaha xafiiska, iyo taageerada kale ee waxbarashada diirada la saaray. Nashaadaadkaan ayaa biloowda 3:45PM inta badana waxay dhamaadaan 4:45PM,ayadoo hadba kuxiran nashaadada lasamaynaayo.
Sharaxaada dharka dugsiga
Dugsiga dhexe, ardaydu waxay xirtaan shaati gaduud xigeen oo polo ah iyo dabagaabyo kaaki ah, oo madow, ama dameeri ah. Dugsiga sare, ardaydu waxay xirtaan shaati kasta oo kuleeti leh oo dookhooda ah ayaka oo u xiranaya kaaki ah, oo madow, ama dameeri ah.
Qaabka
Waxaa loodamaanad qadayaa boos fasalada 6-12.
Dookhyada Taageerada
-
Boston Prep wuxuu u adeegaa dhamaan ardayda lagusoo galiyay dugsiga hanaanka bakhtiyaa nasiibka ah, ayna kujiraan dhamaan ardayda xaqa uyeesha ee kujira aqoonsiyada cabirka naafada. Boston Prep wuxuu hadda siiyaa caawimaado gaar ah iyo taageerooyin ardayda qaba naafooyinka soosocda: Autism-ka • Naafada Dareenka • Naafada Caqliga ee yar ilaa mida dhexe • Naafada jirka • Naafada dareemaha • Naafada hadalka • Naafada neerfaha • Naafada caafimaadka • Naafada gaarka ah ee dhanka waxbarashada Waxaan siinaa ardayda naafada ah fasalo iskudhafan iyo sidoo kale fasao si gaar ah wax loogu baro.
-
Boston Prep wuxuu u adeegaa dhamaan ardayda lagusoo galiyay dugsiga hanaanka bakhtiyaa nasiibka ah, ayna kujiraan dhamaan ardayda xaqa uyeesha ee kujira aqoonsiyada heerarka ardayda luuqada dhigata. Barnaamijyadeena waxaa kamid ah: • Barashada Luuqada Ingiriiska • Fasalada lagu Barto Ingiriiska o Luuqada Labaad ah