Xaqiiqooyin Degdeg ah
Waqtiyada Kalawareega
Si aad u aragto xiliyada kalawareega ee laheli karo hoos gali goobtaada.
Fadlan ogsoonoow, ardayda ayaa xaq uyeelan kara gadiid lagusoo qaado laakin waxay kuxirantahay fasalkay dhigtaan iyo inta gurigoodu ay kunool yihiin ujiro dugsiga. Fadlan kafiiri qaybta FAQ ee kusaabsan gaadiidka si aad macluumaad dheeri ah uhesho.
Diiwaangalinta
Waxyaabaha ku saabsan Dugsiga
Yoolka dugsiga Manson waa in uu bixiyo barnaamij waxbarasho oo fahan iyo tayo leh ahna mid gabi ahaanba iskudhafan kaasoo taageero ka helaaya shaqaalo diyaarsan, arday, iyo waalidiin go'aan leh, iyo bulsho xoogan kuwaasoo si wadajir ushaqaynaaya waxna baranaaya. Macalimiintu waxay haystaan labo shahaado waxayna leeyihiin khibrad dhanka hormarinta ah oo la xiriirta casharada SPED iyo ESL. Ardayda waxaa labaraa inay noqdaan mufakiriin madax banaan, waxbartayaal, iyo xaliyaalka caqabadaha.
Hormarka Dugsiga
Xogta dadaalka ardayga oo lagusoo bandhigay hoos ayaa kasoo baxay natiijooyinka Imtaxaanka Jiilka xigga (MCAS). Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan dugsiyada, fadlan booqo bogga internetkamassachusetts Department of Elementary and Secondary Education (DESE). Dugsiyada leh xarumo badan, xogta hoose waxay u taagan tahay dhamaan dugsiyada shabakadaas ku jira ee maahan kaliya iskuulka keli ah, haddii aan si kale loo xusin. Haddii aan xogta la muujin, looma heli karo dugsigaas (tusaale ahaan, iskuulku ma u adeegi karo wax fasal ah oo la tijaabiyay, ama dhibcaha ayaa aad ugu yar heerka la shaacin karo).
OGAYSIISKA MUHIIMKA AH: DESE masoo saarin go'aanada isla xisaabtanka dugsiga, degmada, ama gobalka ee sanad dugsiyeedka 2019-2020 sabab la xariirta joojinta imtaxaanada gobalka iyo xiritaanka dugsiga kadib markuu dilaacay COVID-19. Sidaas awgeed, ma jirto xogta dadaalka ardayga oo la heli karo oo kasoo baxday gobalka sanad dugsiyeedka 2019-2020.
Hormarka Isku Babac dhiga ah ee Dugsiga
Sidee dugsigaan loogu barbardhigi karaa waxyaabaha soo socda?
Akhrinta: Degmada
Wax qabad ka liita kan celceliska BPS ee degmada
Akhrinta: Gobolka
Waxqabad ka liita kan celceliska gobolka
Xisaabta: Degmada
Wax qabad ka liita kan celceliska BPS ee degmada
Xisaabta: Gobolka
Waxqabad ka liita kan celceliska gobolka
Imisa arday ayaa ka gudubtay MCAS?
Tan waxaa kujira dhammaan buundooyinka fasallada imtaxaanka laga qaaday ee dugsiga.
Xogta Deegaanka iyo Kala duwanaanshaha
Macluumaad dheeraad ah
Barnaamijyada Dugsiga Kahor
Barnaamijka dugsiga kahor oo biloowda 7:30-8:10 a.m.: ee fasalada K-5
Barnaamijyada Dugsiga Kadib
Barnaamijka dugsiga kadib oo socda ilaa 6:00 p.m. YMCA iyo casharo gaar ah ayaa ayaa labaxshaa.
Sharaxaada dharka dugsiga
Waxaan leenahay xeerka labiska qasab ah ee Fasalada K0. 5. Yunifoomtu waxay ka koobantahay shaar boor xigeen ah ama kor gashi cad oo leh midabka jaalle iyo kafeega iskujira oo khafiif ah ama surwalada kaakiga ah, goonoyinka, dabo gaabyo, ama funaanado dhaxameedka. Funaanad dhaxameedyada Manson waxaa la ogolyahay maalmaha dabaasha.
Qaabka
Damaanada diiwaangalinta fasalka 6 ee machadka Dearborn STEM Academy.
Dookhyada Taageerada
-
Waxbarashada Caruurta Yaryar oo iskudhafan
Iskudhafka Heerka sare ee Baahida
-
Iskuduwaha Qoyska
Kalkaaliso saacado kooban Shaqaysa