Xaqiiqooyin Degdeg ah
Waqtiyada Kalawareega
Si aad u aragto xiliyada kalawareega ee laheli karo hoos gali goobtaada.
Fadlan ogsoonoow, ardayda ayaa xaq uyeelan kara gadiid lagusoo qaado laakin waxay kuxirantahay fasalkay dhigtaan iyo inta gurigoodu ay kunool yihiin ujiro dugsiga. Fadlan kafiiri qaybta FAQ ee kusaabsan gaadiidka si aad macluumaad dheeri ah uhesho.
Diiwaangalinta
Waxyaabaha ku saabsan Dugsiga
Holmes Innovation Schoolwaa dugsi qarniga 21aad kuhaboon oo iskudhafan. Waxaan hadda leenahay 21 fasal oo iskudhafan oo ay dhigaan macalimiin haysta labo ama sadex shahaado. Dhamaan ardaydu waxay kaqaybgalaan adeegyada cadaalada bulshada iyo mashaariicda maadooyinka lagu baxsho ee waxbarashada. Dhamaan ardaydu waxay baranayaan casharada farshaxanka, sayniska, xisaabinta, roobaatyada, Isbaanishka, waxbarashada Jirka, Tae Kwon Do, iyo muusiga. Waxaan sidoo kale leenahay kooxaha heesaha iyo fanka.
Hormarka Dugsiga
Xogta dadaalka ardayga oo lagusoo bandhigay hoos ayaa kasoo baxay natiijooyinka Imtaxaanka Jiilka xigga (MCAS). Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan dugsiyada, fadlan booqo bogga internetkamassachusetts Department of Elementary and Secondary Education (DESE). Dugsiyada leh xarumo badan, xogta hoose waxay u taagan tahay dhamaan dugsiyada shabakadaas ku jira ee maahan kaliya iskuulka keli ah, haddii aan si kale loo xusin. Haddii aan xogta la muujin, looma heli karo dugsigaas (tusaale ahaan, iskuulku ma u adeegi karo wax fasal ah oo la tijaabiyay, ama dhibcaha ayaa aad ugu yar heerka la shaacin karo).
OGAYSIISKA MUHIIMKA AH: DESE masoo saarin go'aanada isla xisaabtanka dugsiga, degmada, ama gobalka ee sanad dugsiyeedka 2019-2020 sabab la xariirta joojinta imtaxaanada gobalka iyo xiritaanka dugsiga kadib markuu dilaacay COVID-19. Sidaas awgeed, ma jirto xogta dadaalka ardayga oo la heli karo oo kasoo baxday gobalka sanad dugsiyeedka 2019-2020.
Hormarka Isku Babac dhiga ah ee Dugsiga
Sidee dugsigaan loogu barbardhigi karaa waxyaabaha soo socda?
Akhrinta: Degmada
Wax qabad ka liita kan celceliska BPS ee degmada
Akhrinta: Gobolka
Waxqabad ka liita kan celceliska gobolka
Xisaabta: Degmada
Wax qabad ka liita kan celceliska BPS ee degmada
Xisaabta: Gobolka
Waxqabad ka liita kan celceliska gobolka
Imisa arday ayaa ka gudubtay MCAS?
Tan waxaa kujira dhammaan buundooyinka fasallada imtaxaanka laga qaaday ee dugsiga.
Xogta Deegaanka iyo Kala duwanaanshaha
Macluumaad dheeraad ah
Barnaamijyada Dugsiga Kahor
Barnaamijka dugsiga kahor, 7:00 - 9:00 a.m. (qiimayaashu way kaladuwan yihiin)
Barnaamijyada Dugsiga Kadib
Achieve! by GRASP, 3:20-6:00 p.m. ee barnaamijyada aqonta iyo kobcinta (qiimayaashu waa kaladuwan yihiin).
Sharaxaada dharka dugsiga
Bulluug khadiid ah ama goono khaki ah, surwaal, funaanad caddaan ah, ama shaati midab buluug ah, funanad ama funaanad polo ahoo ay kudhagantahay Ataanta Holmes ee ay sameeyan L&M.
Fasalada Casharada Sare Ayaa ladhigaa
Waxbarasho tayo leh oo la baraayo Dhammaan ardayda (EFA) fasalada 4-5
Dookhyada Taageerada
-
Iskudhafka Heerka sare ee Baahida
Naafada Dareenka
-
Iskuduwaha Qoyska
Kaalkaaliyaha wakhtiga buuxa shaqeeya