Xaqiiqooyin Degdeg ah
Waqtiyada Kalawareega
Si aad u aragto xiliyada kalawareega ee laheli karo hoos gali goobtaada.
Fadlan ogsoonoow, ardayda ayaa xaq uyeelan kara gadiid lagusoo qaado laakin waxay kuxirantahay fasalkay dhigtaan iyo inta gurigoodu ay kunool yihiin ujiro dugsiga. Fadlan kafiiri qaybta FAQ ee kusaabsan gaadiidka si aad macluumaad dheeri ah uhesho.
Diiwaangalinta
Waxyaabaha ku saabsan Dugsiga
Lee Academy Pilot School waa iskuul gabi ahaanba iskudhafan, lagu dhisay iskaashiga qoysaska, macalimiinta, iyo xubnaha bulshada. Anagoo buuxinayna baahiya dareen bulsho ee caruurta kuna toosinayna wadadii ay waxbarashadooda guul uga keeni lahaayeen. Waxaan u dabaaldegnaa farxadda barashada annago kor u qaadayna hal-abuurnimada iyo rabitaanka iyadoo la xanaanaynayo dadaalka shakhsiyeed ee ilmo kasta.
Hormarka Dugsiga
Xogta dadaalka ardayga oo lagusoo bandhigay hoos ayaa kasoo baxay natiijooyinka Imtaxaanka Jiilka xigga (MCAS). Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan dugsiyada, fadlan booqo bogga internetkamassachusetts Department of Elementary and Secondary Education (DESE). Dugsiyada leh xarumo badan, xogta hoose waxay u taagan tahay dhamaan dugsiyada shabakadaas ku jira ee maahan kaliya iskuulka keli ah, haddii aan si kale loo xusin. Haddii aan xogta la muujin, looma heli karo dugsigaas (tusaale ahaan, iskuulku ma u adeegi karo wax fasal ah oo la tijaabiyay, ama dhibcaha ayaa aad ugu yar heerka la shaacin karo).
OGAYSIISKA MUHIIMKA AH: DESE masoo saarin go'aanada isla xisaabtanka dugsiga, degmada, ama gobalka ee sanad dugsiyeedka 2019-2020 sabab la xariirta joojinta imtaxaanada gobalka iyo xiritaanka dugsiga kadib markuu dilaacay COVID-19. Sidaas awgeed, ma jirto xogta dadaalka ardayga oo la heli karo oo kasoo baxday gobalka sanad dugsiyeedka 2019-2020.
Hormarka Isku Babac dhiga ah ee Dugsiga
Sidee dugsigaan loogu barbardhigi karaa waxyaabaha soo socda?
Akhrinta: Degmada
Wax qabad ka liita kan celceliska BPS ee degmada
Akhrinta: Gobolka
Waxqabad ka liita kan celceliska gobolka
Xisaabta: Degmada
Waxqabad ka wanaagsan kan celceliska BPS ee degmada
Xisaabta: Gobolka
Waxqabad ka liita kan celceliska gobolka
Imisa arday ayaa ka gudubtay MCAS?
Tan waxaa kujira dhammaan buundooyinka fasallada imtaxaanka laga qaaday ee dugsiga.
Xogta Deegaanka iyo Kala duwanaanshaha
Macluumaad dheeraad ah
Barnaamijyada Dugsiga Kahor
Barnaamijyada dugsiga kahor oo biloowda 7:30 a.m., ayna kujiraan jirdhiska BOKS ee Reebok.
Barnaamijyada Dugsiga Kadib
Barnaamijyada dugsiga kadib oo biloowda 3:25-6:00 p.m.: kuwaasoo lagu baXIYO caawimaada layli gurigga, kobcinta aqoonta, iyo waqti laciyaaro.
Qaabka
Ku meelaynta dammaanad leh ee fasalka 4 ee Dugsiga Achievers K-8 ee Da 'yarta.
Dookhyada Taageerada
-
Iskudhafka Heerka sare ee Baahida
-
Iskuduwaha Qoyska
Kaalkaaliyaha wakhtiga buuxa shaqeeya