Xaqiiqooyin Degdeg ah
Waqtiyada Kalawareega
Si aad u aragto xiliyada kalawareega ee laheli karo hoos gali goobtaada.
Fadlan ogsoonoow, ardayda ayaa xaq uyeelan kara gadiid lagusoo qaado laakin waxay kuxirantahay fasalkay dhigtaan iyo inta gurigoodu ay kunool yihiin ujiro dugsiga. Fadlan kafiiri qaybta FAQ ee kusaabsan gaadiidka si aad macluumaad dheeri ah uhesho.
Diiwaangalinta
Waxyaabaha ku saabsan Dugsiga
Hugh Roe O’Donnell waa mid amaan ah, hormar samaynaaya, dadaalkiisu sareeyo, ahna mid uwanaagsan qoysaska. Waxaan aqoonsanaa oo udabaal degnaa dhaqanada kalduwan ee dugsigeena O’Donnell leeyahay. Anagoo diirada guud saarna waxbarashada, ardayda waxaa lasiinayaa fursad kasta oo ay kumuujin karaan awoodooda qarsoon ee guusha waxbarashada. Waxaan arday barnaa dhamaan maadooyinka ayna kujiraan muusiga, waxbarashada jirka, STEM iyo noocyada kale ee waxbarashada.
Hormarka Dugsiga
Xogta dadaalka ardayga oo lagusoo bandhigay hoos ayaa kasoo baxay natiijooyinka Imtaxaanka Jiilka xigga (MCAS). Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan dugsiyada, fadlan booqo bogga internetkamassachusetts Department of Elementary and Secondary Education (DESE). Dugsiyada leh xarumo badan, xogta hoose waxay u taagan tahay dhamaan dugsiyada shabakadaas ku jira ee maahan kaliya iskuulka keli ah, haddii aan si kale loo xusin. Haddii aan xogta la muujin, looma heli karo dugsigaas (tusaale ahaan, iskuulku ma u adeegi karo wax fasal ah oo la tijaabiyay, ama dhibcaha ayaa aad ugu yar heerka la shaacin karo).
OGAYSIISKA MUHIIMKA AH: DESE masoo saarin go'aanada isla xisaabtanka dugsiga, degmada, ama gobalka ee sanad dugsiyeedka 2019-2020 sabab la xariirta joojinta imtaxaanada gobalka iyo xiritaanka dugsiga kadib markuu dilaacay COVID-19. Sidaas awgeed, ma jirto xogta dadaalka ardayga oo la heli karo oo kasoo baxday gobalka sanad dugsiyeedka 2019-2020.
Hormarka Isku Babac dhiga ah ee Dugsiga
Sidee dugsigaan loogu barbardhigi karaa waxyaabaha soo socda?
Akhrinta: Degmada
Wax qabad ka liita kan celceliska BPS ee degmada
Akhrinta: Gobolka
Waxqabad ka liita kan celceliska gobolka
Xisaabta: Degmada
Wax qabad ka liita kan celceliska BPS ee degmada
Xisaabta: Gobolka
Waxqabad ka liita kan celceliska gobolka
Imisa arday ayaa ka gudubtay MCAS?
Tan waxaa kujira dhammaan buundooyinka fasallada imtaxaanka laga qaaday ee dugsiga.
Xogta Deegaanka iyo Kala duwanaanshaha
Macluumaad dheeraad ah
Barnaamijyada Dugsiga Kahor
Barnaamijka jirdhiska ee Reebok "BOKS" (barnaamij 12 asbuuc ah)
Barnaamijyada Dugsiga Kadib
Barnaamijka Maalinti oo Fiidsan ee YMCA, Barnaamijka Casharada gaarka ah ee Lagu dhigo gudaha O'Donnell School (Subixii iyo Galabkii), Casharada Barashada Kumbiyuutarka guriga ee dhamaan qoysaska, Barnaamijka Kaamka Maalintii ee Beerta Dugsiga bisha Luulyo - Agoosto.
Sharaxaada dharka dugsiga
Shaar buluug ah oo kuleeti leh (looma baahna astaan in lagu dajiyo). Surwaalo kaaki ah, goonooyin ama dabo gaabyo ayaa la iska rabaa. Waa in kabaha isboortiga ah lasoo xirtaa.
Dookhyada Taageerada
-
Xaruunta lagu Barto Ingiriiska - Isbaanisha Fasalada K2, 1, 2, 3, 4, 5
-
Kalkaaliso saacado kooban Shaqaysa