Su'aalaha Badanaa La Is Weydiiyo
Khubaradeena ayaa kusiinaaya macluumaadka saxda ah ee aad kuhelayso dugsiga ugu fiican
-
Hadafka Barta Boston School Finder waa in laga taageero qoysaska siday kudooran lahaayeen dugsi kuhaboon caruurtooda iyo qoysaskooda. Waxaan soo aruurinaa aana wadaagnaa macluumaad lafahmi karo, oo bulshada oo dhan furan kaasoo kusaabsan dugsiyada Boston Public Schools (BPS), charter public schools, iyo parochial schools. Macluumaadkaan waxaa loosoo bandhigaa qaab ay fududahay in lafahmo.
-
Maya, barta Boston School Finder wax qiimayn ah kuma samayso dugsiyada. Barta Boston School Finder waxay si fudud uqaadataa macluumaadka shaacsan ee laheli karo, kaasoo horay ugu kala jiray baro kaladuwa ama ururo, kadibna waxay macluumaadkaas iskugu gaysaa hal meel si markaas ay ufududaato in lahelo lana adeegsado. Waxaan bixinaa macluumaadka bulshada ufuran oo saxda ah ee dhamaan qaybaha dugsiyada si markaas qoys kasta go'aan uga gaaro nooca dugsi ee ugu haboon cunugooda.
-
Haa! Barteenu waxay kuqoran tahay luuqadaha Ingiriiska, Carabiga, Haitian Creole, Chinese, Portugues, Af-Soomaali, Isbaanish, iyo Vietnamese. Waxaad kadooran kartaa dookha luuqada aad rabto qaybta kore ee shaashada.
-
Haddii aad doonayso inaad noqoto danjire waalid, emayl udir parentambassadors@bostonschoolfinder.org adoo sooraacinaaya macluumaadkaaga shaqsiyeed.
Haddii aad doonayso inaad laxariirto shaqaalaha Boston School Finder, emayl ugudir contact@bostonschoolfinder.org.
-
Boston School Finder waxaad kahelaysaa barta Facebook (@BostonSchoolFinder), Twitter (@BosSchoolFind) iyo Instagram (@BostonSchoolFinder). Nalasoco si aad uhesho macluumaadka ugu danbeeya!
-
Waxaad iska qori kartaa waraaqdeena wararka adoo fariin qoraalka BSF udiraaya 345345, adoo buuxinaaya foomkaan ama adoo email udira contact@bostonschoolfinder.org.
Waraaqdeena wararku waxay siisaa waalidiinta, qoysaska iyo iskaashatada bulshada macluumaad si ay ufahmaan hanaanka diiwaangalinta ee dugsiga, ayna kujiraan tilmaamaha diiwaangalinta dugsiga iyo ilahiisa macluumaadka, taariikhaha soosocda ee dulmarka dugsiga, xiliyada kama danbaysta ah ee hawlaha dugsiga iyo munaasabadaha, wararka waxbarashada ee maxaliga ah, iyo arimo kale oo badan. Marna cid kale lama wadaagayno ama kama iibinayno macluumaadkaaga.
Ayadoo kuxiran xiliga lagu jiro, waraaqdeena wararku waxay soo baxdaa asbuuc kasta.
-
Ardayda dhigata dugsiyada Boston Public Schools (BPS):
- Ardayda dhigata fasalada Xannaanada-5 waxaa lagu qaadayaa baska dugsiga dhaqanka ah ee jaalaha ah haddii ay kunool yihiin wax kabadan meel 1 mile kafog dugsigay dhigtaan.
- Ardayda dhigata fasalada Xannaanada-6 waxaa lagu qaadayaa baska dugsiga dhaqanka ah ee jaalaha ah haddii ay kunool yihiin wax kabadan meel .5 mile kafog dugsigay dhigtaan.
- Ardayda dhigata fasalada 7 iyo 8 waxaa lasiinayaa kaarka baska ee bilaashka ah ee T-pass haddii ay kunool yihiin wax kabadan meel .5 mile kafog dugsigay dhigtaan.
- Ardayda dhigata fasalada 9-12 waxaa lasiinayaa kaarka baska ee bilaashka ah ee T-pass haday kunool yihiin wax kabadan meel 2 mile kafog dugsigay dhigtaan.
Waxaad kaheli kartaa macluumaad dheeri ah oo kusabsan gaadiidka BPS kahelaysaa halkaan.
Dugsiyada kale (charter, gaarka looleeyahay) ayaa lahaan kara dookhyo kale oo dhanka gaadiidka ah. Kafiiri dugsiyada gaarka ah wixii macluumaad dheeri ah.
-
Advanced Work Class (AWC) waa dookh aad kahelayso qaar badan oo kamid ah dugsiyada Boston Public Schools (BPS). Manhaj waxbarasho oo boobsiis ah ama casri ah ayaad kahelaysaa dugsiyada BPS qaarkood kuwaasoo loogu talagalay ardayda dhigata fasalada 4-6. Ardayda waxaa laga diiwaangashaa faslada AWC ayadoo laga fiirinaayo natiijooyinka ay kahelaan imtixaan looyaqaano TerraNova (dhamaan ardayda ayaa galaaya imtaxaanka TerraNova). Ardayda ku jirta AWC waxay wadaagaan fasalada. Dugsiyada qaar ayaa uwareegay nidaamka Excellence for All, taasoo usahlaysa dhamaan ardayda dhigta fasalada 4-6 inay helaan casharada manhajka AWC, ayadoon laga fiirinayn natiijada ay imtixaanka kakeenaan.
-
Boston Public Schools (BPS) waxaa kumidaysan dugsiyada dawlada ee degmada kuna yaala magaalada Boston. Kudhawaad 125 ee katirsan dugsiyada Boston Public Schools waxaa madax ka ah Maamulaha Kumeelgaarka ah ee Laura Perille iyo Gudigga Dugsiga Boston (kuwaasoo xubnahooda uu magacaabo duqa magaaladu). Waxaad kaheli kartaa macluumaad dheeri ah oo kusaabsa sidaad cunugaaga uga qori lahayd dugsiyada BPS boggeena ilah macluumaadka.
-
Boston Public Schools (BPS) waxay leeyihiin sadex dugsi imtixaan kuwaasoo ay dhigtaan ardayda fasalada 7aad ilaa 12aad: Boston Latin School (BLS), Boston Latin Academy (BLA), iyo the John D. O'Bryant (O’Bryant) School. Ardayda hadda dhigta fasalada 6, 8 ama 9 ayaa codsan kara waxaana lagu qorayaa ayadoo laraacaayo aqoontooda cilmiyeed, ayna kujiraan celceliska buundadooda iyo buundooyinka ay kakeenaan imtixaanka ISEE (Independent School Entrance Exam, Imtaxaanka Galitaanka Dugsiyada Badaxa Banaan), oo ah imtixaan qaran. Ardayda danaynaaya waxay qaadan karaan imtixaanka ISEE kadibna ay u gudbiyaan dugsiyada imtixaanka ee liiska ay ay kadoorteen markay iskaqorayaan BPS bisha Janaayo.
Haddii aad doonayso inaad gasho ISEE si aad uhesho imtixaanka galitaanka dugsiyada, waxaa laqaadaa xiliga dayrta ee sanadkii hore ee isdiiwaangalinta. Tusaale ahaan, haddii aad doonayso inaad iskaqorto fasalka 7aad sanadka 2020, ardaygu waa inuu galaa imtaxaanka ISEE xiliga dayrta ee sanadka 2019.
Waxaad kahelaysaa macluumaad dheeri ah oo kusaabsan dugsiyada imtixaanka ee BPS bogeena macluumaadka ama adoo booqanaaya bogga BPS Exam Schools.
-
Dugsiyada charter ka ahi waa dugsiyo dawladeed oo aan xariir gaar ah ah lalahayn BPS. Kuna kuyaala daafaha magaalada, dugsiyada charter ka waxaa dhigta kudhawaad 11,000 oo arday oo dhamaan fasalada ah, waana lacag laáan, waxayna ardayda u=kuqortaan hanaan bakhtiyaa nasiib ah. Inaad kaqaybgasho hanaanka bakhtiyaa nasiibka macnaheedu maaha inay qasab tahay inaad doorato dugsigaas haddii laguu ogolaado in lagaa qoro - waxay caadiyan kunoqonaysaa dookh kale ood aqbali karto ama diidi karto.
Dugsiyada Boston ee charter ka ah ayaa kuusahlaaya inaad kaqaybgasho hanaanka bakhtiyaa nasiibka ee ee dhamaan dugsiyada (marka laga reebo Bridge Boston) adoo adeegsanaaya hal nidaam. Waxaad abuuran kartaa ciwaan aad kugasho bakhtiyaa nasiibka adoo dhagsiinaaya halkaan.
Waxaad sidoo kale macluumaad dheeri ah ka ogaan kartaa dugsiyada charter ka ah adoo galaaya boggeena i .
-
Dugsi parochial ah waa dugsi gaar looleeyahay oo xariir laleh kaniisad ama urur diimeed. Boston waxay leedahay dugsiyo badan oo nooca parochial ah kuna kala yaala daafaha magaalada, kuwaasoo intooda badan mad habka Catholic ga hoos taga. Inta badan dugsiyada parochial ka ahi waxay qaadaan lacag, laakiin qaar badan ayaa taageero dhaqaale siiya qoysaska. Waxaad macluumaad dheeri ah oo kusaabsan dugsiyada parochial ka ah iyo sidaad ucodsanayso kafiirin kartaa boggeena ilaha macluumaadka, ama adoo booqanayaa webseetka Boston Catholic Schools Directory.
-
Dugsi madax banaan waa dugsi gaar looleeyahay oon xariir lalalahyn urur diimeed. Boston waxaa kuyaala in kabadan 30 dugsi oo gaar looleeyahay aana shuqul kulahayn madhabta Catholic ga. Dugsiyada madaxa banaan waxay qaataan lacag, laakiin qaar badan ayaa taageero dhaqaale siiya qoysaska. Waxaad macluumaad dheeri ah oo kusaabsan dugsiyada madaxa banaan iyo sidaad ucodsanayso kafiirin kartaa bogeena ilaha macluumaadka, ama adoo booqanayaa webseetka American Independent Schools of New England (AISNE).
-
METCO (guddiga dhexe ee Fursadaha Waxbarashada ) waa barnaamij soo biloowday sanadkii 1966 intii lagu jiray xiligii difaaca Xaquuqda Madaniga ah. METCO wuxuu u gudbiyaa ardayda reer Boston in ka badan 30 degmooyinka dugsiyada dadwaynaha ah oo ku yaala banaanka Boston. Diiwaan galinta barnaamijka METCO waa mid lagu baxsho bakhtiyaa-nasiib oonleen ah. Ka codso bakhtiyaa-nasiibka oonlenka ah ee METCO halkaan. Si aad xog dheeri ah uga hesho barnaamijka METCO, booqo webseetka METCO oo ah foomkeena tusmada ee Sida Loo codsado METCO.
-
Dhamaan dugsiyada sare ee Boston Public Schools (BPS)waxay ufuran yihiin arday kasta, ayadoon laga fiirinayn dhinaca uu magaalada uga noolyahay. Dugsiyada sare ee BPS qaarkood waxay ubaahan karaan hanaan codsi oo gaar ah. Waxaad kaheli kartaa macluumaad dheeri ah oo kusaabsan dugsiyada sare ee BPS iyo shuruudahooda codsiga/imtaxanaka halkaan. BPS ma adeegsato hanaanka ciwaanka kusalaysan fasalada K-8, sidaas awgeed dugsiyada BPS ee aad heli karto way kaladuwanaanaaan ayadoo laga fiirinaayo ciwaanka aad dagantahay iyo wixii adeegyo gaar ah oo qoyskaagu xaq uleeyahay. Kafiiri FAQ yadeena wixii kusaabsan hanaanka Layli Gurigga si aad macluumaad dheeri ah uhesho.
Dugsiyada Charter, parochial aiyo kuwa gaarka looleeyahay ituba waxay sidoo kale ufuran yihiin dhamaa deegaanada magaalada. Codsiga Boston Charter School waxaad kaheli kartaa halkaa.
-
Marka qoys uu doonaayo inuu iskaqoro BPS, Nidaamka Shaqada Layli gurigga wuxuu udhiibayaa qoys kasta liis nidaamsan ee dugsiyada si ay uga doortaan noocay rabaan, ayadoo laga fiirinaayo meesha qoysku kunoolyahay. Waxaad gali kartaa bogga Discover BPS si aad uhesho liiskaaga dugsiyada aad heli karto.
Si aad uhesho inta badan dookhyada, waxaa haboon in qoysasku isdiiwaangaliyaan xiliyada ugu horeeya ee macquulka ah mudada isdiiwaangaalinta BPS.
Liiska qoyska waxaa kujira dugsi kasta oo kuyaala meel ujirta hal mile gurigga qoyska. Liiska waxaa kujira ugu yaraan labo kamid ah dugsiyada ugu buundada sareeya BPS iyo ugu yaraan afar dugsi oo kamid ah kuwa qaybta sare uga jira buundooyinka degmada.
Haddii dugsi halka mile ujira shuruudahaan qoysku rabo, nidaamka guriga lagu saleeyo ayaa kudaraaya dugsiyada ugu dhaw ee ugu buundada sareeya liiska qoyska.
Qoysaska ayaa kala hormarinaaya dookhyadooda dugsiga, kadibna waxaa dugsiga loogu doorayaa hanaan bakhtiyaa nasiib ah. Booqo BPSsi aad macluumaad badan uga ogaato Nidaamka Shaqada Guriga Kusalaysan.
-
BPS pathway waa marka qoys ilmo udhigtaan dugsi hoose oo gaar ah boos looga balan qaado dugsi dhexe oo xariir laleh kaas hoose ama K-8 ah. Pathway wuxuu ardayda kacaawiyaa iyo qoysaskooda inay ogaadaan dugsiyada mustaqbalka ay kubiiri doonaan. Liiska hadda ee dugsiyada kujira pathay ga ee BPS waxaad kahelaysaa halkaan.
-
Massachusetts Department of Elementary and Secondary Education (DESE) ayaa masuul ka ah dhaqan galinta sharciyada iyo xeerarka dhamaan dugsiyada dawlada ee kuyaala gobalka Massachusetts. Dhaqangalintaan waxaa kujira maalgalinta, manhajka, imtixaanada dagsan, shati siinta macalimiinta iyo qiimaynada, waxbarashada gaar ah iyo airmo kale oo badan. DESE ayaa masuul ka ah aqoonsiga iyo taageerida dugsiyada tayadoodu liidato iyo degmada dugsiyada. DESE waxaa madax ka ah gudoomiye Jeff Riley iyo gudigga Waxbarashada Dugsiyada Hoose iyo Sare (kuwaasoo xubnahooda uu soo magacaabo duqa magaaladu).
-
Dugsiyada gaarka looleeyahay ayaa qaata lacag. Dugsiyadaan waxaa kujira kuwa diimaha iyo kuwa madaxa banaan. Inta badan dugsiyadaan ayaa sido kale baxsha caawimaad dhaqaale. Haddii aad doonayso inaad caawimaada codsato, fadlan laxariir xafiiska diiwaangalinta ee dugsi kasta.
-
Waxaan kula talinaa qoysaska inay codsadaan noocyo badan oo dugsiyo ah ilaa inta macquulka ah ee ay heli karaan dugsiyo kuhaboon baahiyaha qoyskooda, ayna kujiraan BPS, charter, dugsiyada diimaha iyo dugsiyada gaarka looleeyahay. Fadlan fiiri bogga “How to Choose a Schoo (Sida Dugsi Loodoorto)” si aad macluumaad dheeri ah uhesho. Xasuusnoow: inaad dugsi codsi udirato macnaheedu maaha inay qasab tahay inaad dugsigaas dhigato haddii lagaa aqbalo - waxay kaliya kuubadinaysaa dookhyada aad cunugaaga uhelayso si aad u aqbasho ama udiido.
-
Boston malaha hal nidaam oo isdiiwaangalinta ah oo ay kumidaysan yihiin dhamaan dookhyadeeda dugsiyada, sidaas awgeed waa inaad iskaqortaa noockasta oo dugsi ah adoo raacaaya nidaamkooda ugaarka ah. Macluuaadkaan halka bog ayaa macluuaad dulmar ah kaasiinaaya hanaanada isqorista ee kaladuwan ee dugsiyada BPS, charter iyo dugsiyada gaarka looleeyahay/madaxa banaan.
Nooc kasta oo gaar ah oo kamid ah dugsiyada Boston wuxuu leeyahay taariikhyo codsi iyo isqoris ugaar ah.
Sanad dugsiyeedka 2019-2020, taariikhaha kama danbaysta ah ee codsiyada iyo isqoristu waa sidaan soosocota:
Boston Public Schools (BPS):
- Janaayo 3 - Feebaraayo 1: K0 &K1 (Pre-K) iyo fasalada 6aad, 7aad iyo 9aad. Booqo DiscoverBPS si aad cunugaaga udiiwaangaliso.
- Feebaraayo 11 - Maarso 22: K2 (dugsiga barbaarinta) iyo dhamaan fasalada kale. Booqo DiscoverBPS si aad cunugaaga udiiwaangaliso.
Hanaanka Bakhtiyaa nasiibka ee Boston Charter (Barka laga rebo dugsiga Bridge Boston):
- Feebaraayo 28: dhamaan fasalada. Booqo Boston Charter Public Schools si aad iskuqorto.
- Feebaraayo 27: Bakhtiya Nasiibka Bridge Boston Charter School. Booqo halkaan si aad macluumaad dheeri ah uhesho aad iskuqorto.
Dugsiyada gaarka looleeyahay iyo kuwa Madaxa banaan: Kafiiri webseetka dugsi kasta macluumaadka kusaabsan hanaankooda codsiga iyo xiliyada kama danbaysta u ah isqorista. Lifaaqyada webseetyada dugsiyada waxaad sidoo kale kahelaysaa:
-
Bulshooyinka dugsiyadu waxay leeyihiin dhaqankooda iyo shaqsiyadooda gaarka ah. si aad sida ugu fiican ugu qiimayso in dhaqanka dugsi gaar ah uu kuhabboon yahay qoyska cunugaaga, waxba kuma jabna inaad booqasho toos ah dugsiga kutagto. Fadlan arag liiskeena booqashada dugsiga si ay kaaga caawiso qorshanta booqashooyinka dugsiyada.
-
Boston waxaa kuyaala dugsiyo badan oo kaladuwan kuwaasoo leh nidaam maamul oo kaladuwan. Qayb kasta oo kamid ah noocyada dugsiyadu waxay leeyihiin hanaankooda codsi ee ugaarka ah.
-
Fadlan kafiiri bogga “How to Apply (Sida Loocodsado).” Haddii aad wali qabto su'aalo gaar ah, fadlan nagalasoo xariir ciwaankaan contact@bostonschoolfinder.org.
-
Dugsiyo bada ayaa baxiya caawimaad dhaqaale markay qaadayaa lacagta waxbarashada. Hase yeeshee, dugsi kasta wuxuu leeyahay xeerkiisa gaarka ah ee deeqaha dhaqaale. Fadaln isticmaal lifaaqa “Apply Now” ee kuyaala bogga dugsi kasta si aad wax badan uga ogaato dookhyadooda caawimaada dhaqaale, si toos ah ubooqo webseetkooda, ama wac xafiiska diiwaangalinta ee dugsiga si ay taageero kuusiiyaan. Macluumaadka dugsiga lagala xariiraayo waxaa laga heli karaa bogga dugsi kasta kuleeyahay barta Boston School Finder.
-
Waxaa jiro ilo bada oo aad kaheli karto caawimaad si aad udoorato dugsiga cuugaagu dhigan lahaa. Liiskaan booqashada dugsiga ayaa kusiinaaya waxyaabo aad hawshaas kubilaabi karto.
-
Kooxdeena heelan oo katirsan danjirayaasha Waalidka ayaa si dhaw ula shaqeeya iskaashatada bulshada ee kusugan daafaha magaalada si macluumaadka iyo ilaha toos loogu siiyo ardayda, waalidiinta iyo qoysaska ay u adeegaan. Ayagoo xafiis kuyeelanaaya xafiiskaaga ama munaasabada qabanaaya, Danjirayaasheena Waalidka ayaa kusinaaya qoysaskaaga macluumaad kusaaban dookhyadooda dugsiga iyo hanaanka isqorista, kana caawinaaya inay marhore iska qoraan ama iskaqoraan markaas xarunta dugsiga. Haddii aad doonayso inaad kursi kasiiso mid kamid ah Danjirayaasheena Waalidiinta, fadlan kala xariir Shellina parentambassadors@bostonschoolfinder.org.
-
Waxaan markasta taageero karabnaa iskaashatada bulshada si ay ufaafiyaan macluumaadka Boston School Finder ayna lawadagaan ilaha diiwaangalinta dugsiga ardayda, waalidiinta iyo qoysaska ay ushaqeeyaan. Lifaaqyada hal-halka bog ee hoose (oo kusalaysan kooxaha da'aha dadka aad ushaqayso) ayaad kahelaysaa macluumaad kusaabsan sida aan kaagala shaqayn karno taageerida qoysaskaaga. Fadlan kala xariir barta Boston School Finder contact@bostonschoolfinder.org haddii aad doonayso inaad macluumaad dheeri ah hesho.
Halkaan waxaa kujiro dhawr ilo macluumaad oo aad wax kubilaabi karto.
-
Nidaam kasta oo isla xisaabtan wuxuu cabiraa dadaalka aqooneed ee heer degmo iyo heer dugsi. Waxay dugsiyada kacaawisaa inay kor uqaadaan dadaalka dhamaan ardayda, waxayna kacaawisaa bulshooyinka iyo gobalkaba inay go'aan kagaaraan qoondaynta ilaha dhaqaale. Natiijooyinka isla xisaabtan kayaa kajawaaba labo su'aalood: Waa sidee xaalka dugsigu? Waa maxay nooca taageero ee dugsigu ubaahanyahay?
The Massachusetts Department of Elementary & Secondary Education (DESE, Waaxda Dugsiyada Hoose iyo Kuwa Sare ee Massachusetts) ayaa macluumaad ka aruurisa dugsiyada sanad kasta si kor loogu qaado waxbarida iyo waxbarashada, iyo sidoo kale in laxaqiijiyo in dugsiyadu buuxinayaan heerarka uu gobalku ucayimay. Macluumaadka ayaa faahfaahin kabixinaaya hanaanka isla xisaabtanka, wuxuuna sharaxaad kabixinayaa heerka ay dhantahay dadaalka waxbarasho ee dugsiyadu - sidee ayuu dugsi wax ubarayaa ardaydiisa ayadoo laraacaayo cabirada uu udajiyay gobalku. Macluumaadkaan waxay si guud ugu furantahay qofkasta oo doonaaya inuu arko, laakiin caadiyan waa kuwo ay adagtahay in lahelo kadibna lafahmo.
Barta Boston School Finder ayaa soogalisa macluumaadka qaar bogageena dugsiga - adeegso barteena baarista si aad uraadiso dugsiyada Boston.
Waxaad macluumaad dheeraad ah kahelaysaa hanaankeena isla xisaabtanka adoo booqanayaa Barta Islaxisaabtanka ee DESE.
-
Waxaa jiro waxyaabo bada oo lagu cabiro tayada dugsiga, waxaana jiro qaabab kadan oo kaladuwan oo qoysasku muhiimad usaaraan waxa muhiimka u ah markay dugsi udoorayaa caruurtooda. Liiskeena booqashada dugsiyada ayaa kaacaawin kara inaad muhiimada siiso waxa muhiimka u ah cuugaaga iyo qoyskaaga, iyo waxa aad dugsiga kudooranayso.
-
Caddeynta xeerka daganaanshaha ma quseeyo ardayda iyo qoysaska guri la'aanta ah. La xariir Shabakada Ilaha Waxbarshada Hoy la'aanta ee BPS (617-635-8037) ama booqo Xarunta Soo dhaweynta si lagaaga caawiyo diiwaangelinta ilmahaaga. Haddii aad ku nooshahay hoyga badbaadinta, keen warqad ka timid shaqaalaha hoyga badbaadinta oo sheegaysa inaad halkaas ku nooshahay. Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan booqo Webseetka Xeerka Deganaanshaha ee BPS.
-
Canug walbo oo qoyskiisu ku nool yihiin Caaasimada Boston waa hubaal inuu geli karo waxbarashada bulshada bilaashka ah ee Dugsiyada Bulshada Boston. Ma jiraan qoys loo diidayo gelitaanka dugsiga sababtoo ah heerkooda socdaalka. Qoysaska muhaajiriinta ah oo aan haysan sharciyada lana nool saaxibadood ama qaraabadooda waxaa loo tixgelin karaa “guri la'aan." Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan booqo Webseetka Xeerka Deganaanshaha ee BPS.
-
Barnaamijka Re-Engagement Center (REC, Xarunta Dib uhawlgalinta) ayaa ah barnaamijka kaliye ee Boston Public Schools kaasoo si gaar ah utaageera dadka aan wali dhamayn shahaadada dugsiga sare. Iskaashi udhaxeeya BPS iyo PIC, REC wuxuu siinayaa hal meel oo dhexe oo kutaala bii'o daryeel leh si ardaydu uhelaan macluumaadka iyo talosiinta ay rabaan si ay dugsi iskaga qoraan unasii wataan waxbarashadooda qalin jabinta.
GED/ HISET
Haddii aad doonayso inaad gasho imtixaanka GED/HISET si aad uhesho shaahado udhiganta tan dugsiga sare, waxaad macluumaadyada kahelaysaa liifaaqyada hoose:
Phoenix Charter Academy ayaa sidoo kale maamula sadex dugsi oo kuwa sare ah kuna yaala daafaha gobalka Massachusetts, kuwaasoo loogu talagalay ardayda doonaaya inay dhamaystaan waxbarashada dugsiga sare ee kakala go'day. Dugsiga ugu dhaw Boston wuxuu kuyaalaa Chelsea. -
Haddii cunugaagu leeyahay IEP, aadna dugsiga galayso markaagii koobaad, waxaad haystaa dhawr dookh. Haddii aad doonayso inaad cunugaaga kaqorto Boston Public Schools (BPS), koox ayaa laguu xilsaarayaa si ay kaaga caawiyaan gaynta cunugaaga dugsi, si waafaqsan baahiyihiisa IEP da.
Haddii aad doonayso inaad wax kabarato dugsiyada charter ka ah, waa inaad lahadashaa dugsiyada gaarka ah si aad ugala hadasho sida ay u awoodaan bixinta adeegyada IEP da.
Wixii macluumaad dheeri ah iyo tilmaamo, booqo stusmadeena macluum gaarka ah.
-
Dhamaan dugsiyada dawlada waxaa laga doonayaa inay siiyaan ardayda waxbarasho ayadoon laga fiirinan luuqada ay kuhadlaan. Haddii aadan kuhadlin luuqada Ingiriiska, cunugaagu wuxuu mari doonaa qiimayn. Haddii loobaahdo, waxaa lagalinayaa cunuga barnaamij taageeraaya luuqadiisa iyo baahiyihiisa waxbarashada. Kafiiri barnaamijkeena ELL (ardayda Barata Luuqada Ingiriiska) si aad macluumaad dheeri ah uhesho.