Kooxdeena

 

Kala xariir Shaqaalaha Boston School Finder ciwaankaan contact@bostonschoolfinder.org.

 

Shaqaalah Boston School Finder

Latoya Gayle, Agaasimaha Fulinta

Luuqadaha looga hadlo dugsiga: Ingiriis

Ayadoo ah agaasimaha Waaxda Fulinta, Latoya waxay hagtaa higsiga iyo shaqada barta Boston School Finder ayadoo diirada saaraysa  kor uqaadista helitanaka macluumaadka waxbarashada iyo fursadaha waxbarashada ee ay helaan waalidiintu, ayadoo diirad gaar ah lasaaraayo qoysaska iyo waalidiinta aan cadaanka ahayn. Waxay abuurtaa ayna siiwadaa wada shaqayn xeeladaysan oo lalayeesho ururada iskaashiga nalaleh ayna kujiraan degmooyinka, dugsiyada, maalgaliyaasha, xeer sameeyaasha ururada bulshada iyo dadka saamaynta kuleh, waalidiinta, iyo lataliyaasha. Latoya waxay diirada saaraysaa adeegsiga barta Boston School Finder si waalidiinta looga caawiyo doorashada dugsi kuhaboon dookha qoyskooda, iyo inay talo kudarsadaan xeerka iyo barnaamijyada sida ugu haboon ugu adeegaaya qoyskooda iyo bulshadooda.

Latoya sidoo kale waxay kamid tahay Aasaasyaasha waana Agaasiaha Fulinta ee Hooyooyinka Caawimaada baxsha, kuwaasoo ah urur Boston kudhaqan oo kashaqeeya sinaanta ayagoo lashaqaynaaya dugsiyada iyo degmooyinka, iskaashatada bulshada iyo dhinacyada kale ee ay qusayso. Ururka ayaa kashaqaynaaya yaraynta daldaloolada dhanka waxbarashada, bulshonimada iyo fursadaha dhaqaale iyo guulaha ayagoo kor uqaadaaya wadashaqaynta kajirta dugsiyada iyo bulshooyinka ee kadhaxaysa waalidiinta iyo qoysaska aan cadaanka ahayn.

Latoya ayaa qoyskeeda kulanool Boston, waxayna dhashay sadex caruur ah oo soodhigtay siina dhigan doona dugsiyada kuyaala Boston.

 

Rana Kannan, Agaasimaha Maaraynta

Luuqadaha ay kuhadasho: Ingiriis, Korean

Ayadoo ah Agaasimaha Maaraynta, Rana waxay kormeertaa shaqooyinka Boston School Finder waxayna maaraysaa shaqada hormarinta iyo iskaashiyada ee barta Boston School Finder. Rana waxay xaqiijisaa in barta Boston School Finder ay kadhigto dookhyada dugsiga kuwo loosiimanyahay, ayadoo taageeraysa waalidiinta, qoysaska, iyo iskaashatadooda bulshada kana taageeraysa sidii ay uheli lahaayeen dugsi wanaagsan oo ilmahoodu udhigto.

Kahor inta aysan shaqada Boston School Finder kusoo biirin, Rana waxay kasoo shaqaysay Maareeye sare oo dhanka Iskaashiga Istaraatiijiyada ah oo katirsan barnaamijyada Salsify, oo ah shirkad ganacsiga oonleenka ah oo kutaala Boston. Dhamaan intay shaqaynaysay, Rana waxay kasoo shaqaysay ururo kakala tirsan qaybaha waxbarashada gaarka looleeyahay iyo tan guud ba, ayadoo taageero siinaysay ardayda iyo qoysaska kudhaqan gudaha iyo daafaha Boston. Rana waxay horay ugasoo shaqaysay ayna soohogaamisay kooxda Adeegyada Qalin Jabinta ee dugsiga  Roxbury Prep Charter School, waxay soo tababartay kooxda hogaaminta dugsiga, waxayna hogaanka usoo qabatay dhaqan galinta barnaamijyada caawimaada waxbarashada ee dugsiga Phoenix Charter Academy Network.

Rana ayaa qoyskeeda kulanool Boston, waxayna dhashay labo caruur ah oo soodhigtay siina dhigan doona dugsiyada kuyaala Boston.

 

Macluumaad iyo iskuxir taageero ah oo ay bixiso:

Emma Kolander, Madaxa Suuqgaynta iyo Isgaarsiinta

Luuqadaha looga hadlo dugsiga: Ingiriis

Natalya Subbotina, Madaxa Macluumaadka iyo Hawlgalada

Luuqadaha ay kuhadasho: Ingiriis, Russian

 

Danjirayaasha Waalidiinta

Kala xariir Danjirayaasha Waalidka ee Boston School Finder parentambassadors@bostonschoolfinder.org.

 

Shellina Semexant, Madaxa Kooxda Danjirayaasha Waalidka

Luuqadaha ay kuhadasho: Ingiriis, Haitian Creole

Narcisa Araujo

Luuqadaha lagu hadlo: English, Cape Verdean, Portuguese, Isbaanish

Maisha Harley

Luuqadaha looga hadlo dugsiga: Ingiriis

Soraya Harley

Luuqadaha looga hadlo dugsiga: Ingiriis

Shamilia Lloyd

Luuqadaha looga hadlo dugsiga: Ingiriis

Lumina Mathurin

Luuqadaha lagu hadlo: Ingiriis, Isbaanish

Lisa Melara

Luuqadaha lagu hadlo: Ingiriis, Isbaanish, Vietnamese

Mariam Mohamed

Luuqadaha lagu hadlo: Ingiriis, Af-Soomaali

Elizabeth Neely

Luuqadaha looga hadlo dugsiga: Ingiriis

Aliesha Porcena

Luuqadaha lagu hadlo: Ingiriis, Haitian Creole, Isbaanish

Shirley Porcena

Luuqadaha ay kuhadasho: Ingiriis, Haitian Creole

Keren Sanchez

Luuqadaha lagu hadlo: Ingiriis, Isbaanish

Huong Vu

Luuqadaha lagu hadlo: Ingiriis, Vietnamese

Maqabtaa Su'aal?

Khubaradeena ayaa kusiinaaya macluumaadka saxda ah ee aad kuhelayso dugsiga ugu fiican