Iskaashatadeena
Waxaan uga mahadcelinaynaa iskaashatadeena caawimaada ay naga siiyeen sidaan barta Boston School Finder uga dhigi lahayn mid ay kukalsoonaan karaan ayna fahmi karaan qoysasku. Waxaan kashaqaynaa dhamaan qaybaha dugsiyada waxaana lashaqaynaa ururada kaladuwan ee bulshada si aan usoo aruurino aana ula wadaagno macluumaadka waalidiinta reer Boston.
Maalgelinta Boston School Finder waxaa bixiya Boston Schools Fund, oo ah hay'ad maxali ah oo aan fa'iido doon ahayn. Taageerada farsamada naqshadaynta barta ee hore waxaa bixiyay mutadawiciin ka shaqeeya Wayfair, oo ah shirkad ganacsi oo ku taala Boston oo ku takhasustay alaabaha guriga. Iskaashadaheena hadda ee dhanka webseetka, ADK, waa wakaalad Boston kutaal oo aaladaha casriga ah iyo shirkad abuurta applicationada. Turjumaada waxaa noosameeya Smartling, oo ah nidaam dhanka maaraynta turjumaada oo caalami ah.
Ururo kale oo badan, oo ay ku jiraan City of Boston, Boston Public Schools, Boston Charter Alliance, Roman Catholic Archdiocese of Boston, iyo ururadda bulshada oo dhan oo ka hawlgala magaalada ayaa bixiya talooyin iyo wax ku biirin barta laxariira.
Maqabtaa Su'aal?
Khubaradeena ayaa kusiinaaya macluumaadka saxda ah ee aad kuhelayso dugsiga ugu fiican