Tilmaamaha Ilaha Marinada Dugsiga Dhexe ee Dugsiyada Dowliga ah ee Boston
- Si aad ugu soo dejisato macluumaadkaan oo ku qoran afkaaga hooyo, isticmaal baraawsarkaaga si aad ugu daabacdo boggan.
- Booqo Xogteena Buuxda ee Qalabka Diiwaangelinta Dugsiga ee Qoysaska
Waa maxay Maritaanada Dugsiga Dhexe?
Ardayda dhigata barnaamijyada waxbarashada guud, dugsi kasta oo hoose oo katirsan BPS waxa uu ku xiran yahay dugsi dhexe ama dugsi K-8. Dugsiga noocaan ah waxaa loo yaqaan dugsi “pathway” ah. Waxaa jira hal dugsi sare oo loo gudbo Lyon High School waa dugsi loo gudbo oo loo damaanad qaaday ardayda dhigata Lyon K-8 School.
Ma in canuggaygu aado marinadiisa ama marinkeeda dugsigaa?
Ardaya loogama baahna in ay aadaan marinka dugsigooda dhexe. Si kastaba ha ahaatee, marinada dugsiga dhexe waxay ardayda dugsiga hoose siiyaan boos damaanad qaadan oo ay ka helaan dugsiga dhexe.
Sideen isaga diiwaan galiyaa marinkayga dugsiga?
Janaayo sanadkasta, ardayda dugsiga hoose ee kujira fasalka ay uga baxayaan (fasalka ugu danbeeya ee ay tagi dugsigooda hadda ay dhigtaan) waxay heli doonaan warqad u caddaynaysa marinka dugsigooda dhexe. Qoysasku waxay haystaan laba doorasho marka ay halkaan marayaan.
-
Haddii aad rabto in canuggaagu xaadiro marinka dugsiga lagu qoray: waxba ma samaynaysid . Canuggaaga si iskiis ah ayaa loogu qorayaa loogana diiwaan galinayaa marinka dugsigiisa.
-
Haddii aad doonayso in ardaygaagu ku biiro dugsi kale oo BPS ah: waxaa kugu waajib ah in aad la xiriirto Adeegga Soo dhaweynta aadna ka qaybqaadato hanaanka is diiwaan galinta si aad u doorato dugsi BPS ah oo cusubo.
Liiska Marinada Dugsiga Dhexe ee Sanad Dugsiyeedka 2023-2024
4 | ||
Maqabtaa Su'aal?
Khubaradeena ayaa kusiinaaya macluumaadka saxda ah ee aad kuhelayso dugsiga ugu fiican